Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonta garoonka diyaaradaha Shaati Guduud iyo saldhigga dhexe ee magaalada Baydhabo.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay mashruucan lagu horumarinayo kaabeyaasha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.
Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ku horumarinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo isu socodka bulshada iyo gaadiidka, loona xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee magaalada.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in waddadani ay door weyn ka qaadan doonto isku xirka garoonka diyaaradaha iyo xarumaha dowladda, iyadoo sidoo kale fududeyn doonta isu socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana kor u qaadi doonta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta mashaariicda horumarineed ee la xiriira waddooyinka, garoomada iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah, si loo dardargeliyo horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariicda lagu tayeynayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo abuuro fursado horumar oo waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka Soomaaliyeed.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka beddelo bilicda iyo isu socodka magaalada Baydhabo, isagoo qeyb ka noqonaya qorshaha ballaaran ee lagu casriyeynayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo dardargelinta koboca dhaqaalaha gobolka.





