26.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Imaaraadka oo billaabay dhismaha saldhigga militari ee Israel ku yeelaneyso Berbera

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beberba (Caasimada Online) — Imaaraadka Carabta ayaa si qarsoodi ah saldhig militari uga dhisaya garoonka diyaaradaha Berbera, kaas oo ay isticmaali doonaan Imaaraadka, Mareykanka iyo Israel, sida uu qoray wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde.

Warbixinta Le Monde ayaa sheegtay in dhismaha saldhiggan uu ka socdo garoonka Berbera, oo qiyaastii toddoba kiilomitir galbeed ka xiga magaalada dekedda leh ee Berbera, xilli Somaliland ay xoojineyso xiriirka ay la leedahay Israel, isla markaana ay dadaal ugu jirto inay hesho aqoonsi caalami ah.

Le Monde ayaa sheegay in mashruucan uu si gaar ah u soo xoogaystay kadib markii Israel ay 26-kii December 2025 aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay walaac ka muujiyeen ururro iyo dalal gobolka ah.

Sawirro satellite ah

Le Monde ayaa sheegay in sawirro satellite ah ay muujiyeen dhismo iyo qodis ballaaran oo ka socday ugu yaraan saddex goobood oo ku yaalla dhanka koonfureed ee dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Berbera, intii u dhaxeysay October 2025 iyo March 2026.

Wargeyska ayaa sheegay in ugu yaraan 18 god oo dhaadheer laga qoday dhulka bacaadka ah ee aaggaas. Ilo amni oo Yurub ah oo uu soo xigtay Le Monde ayaa sheegay in qaab-dhismeedka dhulka hoostiisa laga sameynayo uu u eg yahay keyd loogu talagalay rasaasta, hubka ama haamaha shidaalka.

Sawirrada ayaa sidoo kale muujinaya konteenarro la dhigay godadkaas ka hor inta aan dib loogu darin ciidda, sida lagu sheegay warbixinta.

Khabiir militari oo uu xigtay Le Monde ayaa sheegay in shaqadaas uu fulinayo Imaaraadka Carabta, isla markaana ujeedadu tahay in la sameeyo keyd hub iyo agab militari.

Shaqaale ka tirsan garoonka Berbera ayaa sidoo kale wargeyska u sheegay in Abu Dhabi ay shaqadan u qabaneyso danaha Israel iyo Mareykanka.

Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii 2017 heshiis difaac la galay maamulka Somaliland, kaas oo qeyb ka ahaa isticmaalka militari ee garoonka Berbera. Tan iyo markaas, Abu Dhabi waxay xoojisay saameynteeda dhaqaale iyo mid amni ee Berbera, gaar ahaan dekedda oo ay maamusho shirkadda DP World ee Dubai.

Difaaca cirka

Le Monde ayaa sheegay in goobo dhulka laga taagay oo ka muuqday sawirrada satellite-ka ay muujin karaan qorshe lagu rakibayo nidaamyo difaaca cirka ah.

Wargeyska ayaa soo xigtay falanqeyn ay sameysay hay’adda International Institute for Strategic Studies, taas oo sheegtay in dhismayaasha la arkay ay u badan tahay inay la xiriiraan diyaargarow difaac cirka ah.

Le Monde ayaa sheegay in qaabka dhismayaashaasi uu la mid yahay mid lagu arkay garoonka Boosaaso ee Puntland, halkaas oo Imaaraadka Carabta uu sidoo kale ku leeyahay joogitaan militari.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in Imaaraadka uu March 2025 Boosaaso geeyay radar ay Israel sameysay oo lagu magacaabo EL/M-2084, arrin muujineysa xiriirka amni ee sii kordhaya ee ka dhexeeya Abu Dhabi iyo Tel Aviv ee gobolka.

Le Monde ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha militari ee Berbera ay sii ballaarteen tan iyo markii Imaaraadka uu la wareegay qeyb ka mid ah garoonka sanadkii 2017.

Dhabbaha diyaaradaha ee garoonka ayaa la dayactiray, hangarro militari ayaa la dhisay, waxaana la sameeyay deked u dhow oo qaadi karta maraakiib dagaal iyo xitaa kuwa waaweyn ee qaada diyaaradaha.

Xiriirka Israel

Israel iyo Somaliland ayaa labaduba beeniyay inuu jiro heshiis difaac oo rasmi ah oo dhex maray.

Hase yeeshee Le Monde ayaa sheegay in iskaashiga labada dhinac uu durba ka bilowday dhulka. Wargeyska ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Somaliland ay si qarsoodi ah ugu safreen Tel Aviv si ay tababar u helaan, halka wafdiyo militari oo Israel ka socday ay booqdeen Hargeysa iyo Berbera.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in wafdiyo militari oo Israeli ah lagu arkay Berbera, halkaas oo ay kula kulmeen taliyaha ciidamada Somaliland.

Garoonka Berbera, oo markii hore loo arkayay mid rayid ah, ayaa hadda laga mamnuucay gelitaanka dadweynaha, iyadoo sidoo kale la xiray waddada gasha garoonka, sida uu qoray Le Monde.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo madax ka tirsan Israel ay si furan uga hadleen xiriirka amni ee ay la leeyihiin Somaliland.

Wasiirka difaaca Israel, Israel Katz, ayaa bishii June sheegay in Israel iyo Somaliland ay muddo sanado ah yeesheen iskaashi “qarsoodi ah”, isla markaana ay hadda doonayaan inay xiriirkaas gaarsiiyaan heer cusub.

“Sanado badan waxaan si qarsoodi ah uga wada shaqeynaynay hawlo taxane ah oo qarsoodi ahaan doona,” ayuu yiri Katz, sida lagu sheegay warbixin ay qortay AFP.

Wuxuu intaas ku daray in Israel ay dooneyso inay “heerar cusub” gaarsiiso iskaashiga amni ee ay la leedahay Somaliland.

AFP ayaa sidoo kale sheegtay in diblomaasi reer galbeed ah uu sheegay inay jirto aragti baahsan oo ah in Israel ay horey u lahayd joogitaan militari ama amni oo Somaliland ah.

Jeneraal hore oo Israeli ah, Amir Avivi, ayaa isna bishii May sheegay in Israel ay ka shaqeyneyso gudaha Somaliland.

“Israel waxay awood ka dhiseysaa Somaliland… hadda waxaan leenahay saldhig,” ayuu yiri, sida lagu sheegay warbixinta.

Beeninta Hargeysa

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa horey u beeniyay in Israel ay saldhig militari ka furatay ama ay ka wadahadleen furashada saldhig noocaas ah.

Wasiirka difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa bishii hore u sheegay Reuters inaysan jirin joogitaan militari ama saldhig ay Israel ku leedahay Somaliland.

“Ma jiro joogitaan militari ama saldhigyo militari oo Israel ku leedahay Somaliland,” ayuu yiri. “Laakiin Israel way caawineysaa Somaliland… waxay naga taageerayaan tababarka qaar ka mid ah booliska iyo ciidamada.”

Wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in laga wadahadlay saldhig militari oo Israel leedahay “warar xan ah”.

Si kastaba, beenintaas ma aysan joojin hadal-haynta sii kordheysa, gaar ahaan kadib markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, iyo kadib safarro ay mas’uuliyiin sare oo Somaliland ah ku tageen Israel.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa bishii June booqday Israel, halkaas oo mas’uuliyiinta labada dhinac ay ka wadahadleen iskaashi amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Somaliland ayaa sidoo kale furtay xafiis ay ku sheegtay safaarad oo ku yaalla magaalada Qudus, halka Israel ay magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Somaliland.

Hanjabaadda Xuutiyiinta

Wararka ku saabsan danaha Israel ee Berbera ayaa durba caro ka dhaliyay Xuutiyiinta Yemen, oo tan iyo dagaalka Gaza weerarro ku qaaday maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israel.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdul-Malik Al-Xuuthi ayaa ku hanjabay in kooxdiisu ay beegsan doonto joogitaan kasta oo Israel ku yeelato Somaliland.

Al-Xuuthi ayaa ku eedeeyay Israel inay dooneyso inay saameyn ku yeelato marin-biyoodka isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Baabul-Mandab.

Wuxuu sheegay in Xuutiyiintu ay “si dhow ula socdaan” waxa ka socda Somaliland iyo waxa uu ku tilmaamay dadaalka Israel ee ay ku dooneyso inay ku maamusho Gacanka Cadmeed, Baabul-Mandab iyo Badda Cas.

“Waqti kasta waan dhaqaaqi doonnaa si aan u beegsanno dhaqdhaqaaq kasta ama joogitaan kasta oo cadowga Israel ku yeesho Somaliland,” ayuu yiri, sida ay sheegtay warbixinta.

Hanjabaaddaas ayaa muujineysa khatarta ah in haddii la xaqiijiyo joogitaan militari oo Israel ku yeelato Berbera, Somaliland ay si toos ah ugu soo jiidmi karto loollanka ballaaran ee u dhexeeya Israel, Iran iyo kooxaha Tehran taageerto ee Yemen iyo meelo kale.

Diidmo gudaha ah

Dhismaha la sheegay ayaa sidoo kale dhalisay diidmo ka timid qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo madax-dhaqameedka Somaliland.

Suldaan Axmed Qabile, oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka horyimid in garoonka Berbera loo isticmaalo saldhig militari oo ay adeegsadaan dalal shisheeye, isagoo ka digay in tallaabadaas ay Somaliland gelin karto loollan iyo colaado ka baxsan danaha dadkeeda.

“Waxaan aaminsanahay in danaha dadkaygu ay ka sarreeyaan danaha shisheeye,” ayuu Qabile ku qoray Facebook.

“Sidaas darteed, anigoo mas’uuliyad iska saaraya, waxaan ka soo horjeedaa in garoonka Berbera loo adeegsado saldhig militari oo ay isticmaalaan dalal shisheeye, taas oo Somaliland gelin karta loollan iyo khilaafyo ka baxsan danaheena,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in Somaliland ay noqoto goob ay ku tartamaan quwadaha caalamka ama saldhig loogu adeego danaha militari ee dalal kale.

“Tallaabo kasta oo noocaas ah waxay abuuri kartaa khataro amni iyo diblomaasiyadeed oo aan dan ugu jirin dadka,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa muujinaya dood xasaasi ah oo ka dhex dhalatay Somaliland, halkaas oo hoggaanka Hargeysa uu xiriirka dibadeed u arko waddo lagu heli karo aqoonsi, halka qaar ka mid ah dadka gudaha ay ka cabsi qabaan in dhulkaasi loo adeegsado loollan shisheeye.

- Advertisement -

Read more

Local News