Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo bandhigay nooc doorasho oo uu u arko inuu dalka ka saari karo ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka, kadib markii uu ka qeyb-galay wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay dowladda Turkiga, waxaana ka qayb galay wakiillo ka socday dowladda iyo xisbiga Nabad iyo Nolol. Sidoo kale, waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddiga Farsamada ee Nabad iyo Nolol, kulanka ayaa diiradda lagu saaray in dhinac kasta uu soo bandhigo aragtidiisa ku aaddan nooca doorasho ee uu mudnaanta siinayo, iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka doorashooyinka.
Xisbiga ayaa sheegay in hindisaha uu soo bandhigay uu ku saleysan yahay hannaan doorasho oo ay shacabka si fudud u fahmi karaan, isla markaana ah mid la wada aamini karo, hufan, muuqda, kana fog muran iyo is-qabqabsi siyaasadeed.
Nabad iyo Nolol ayaa sidoo kale ku dooday in doorashadu noqoto mid lagu qabto muddo kooban, isla markaana loo dhan yahay, si qof kasta oo Soomaali ah oo buuxiya shuruudaha codbixinta uu si xor ah uga qayb qaadan karo.
Qorshaha xisbiga ayaa sidoo kale dhigaya in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo codeyntuba ay ka dhacaan hal goob, isla markaana hal maalin lagu soo gabagabeeyo, si loo yareeyo caqabadaha farsamo iyo kuwa amni ee la xiriira doorashooyinka.
Sidoo kale, xisbiga ayaa soo jeediyay in muwaadin kasta uu si toos ah ugu codeeyo xisbiga uu taageersan yahay, halka kuraasta baarlamaankana lagu qaybinayo saamiga codadka ay xisbiyadu ka helaan shacabka, taas oo u dhow nidaamka doorashada ku saleysan axsaabta siyaasadeed.
Nabad iyo Nolol ayaa intaas ku dartay in maamulka iyo amniga doorashadu noqdaan kuwo ay ku wada qanacsan yihiin dowladda iyo mucaaradka, si loo xaqiijiyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada, loogana fogaado muranno siyaasadeed oo cusub.
Xisbiga ayaa sheegay in qaabka uu soo bandhigay uu yahay mid mideynaya shacabka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaana ilaalinaya xorriyadda, madax-bannaanida siyaasadeed iyo danaha qaranka.
Waxa kale oo uu caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu taageero heshiis kasta oo ay Soomaalidu si wadajir ah ugu heshiiyaan, haddii uusan waxyeello u geysanayn danta dalka iyo dadka.

