Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac oo caawa ka warbixiyay wada-hadalladii maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka ayaa shaaciyey in dhinacyadu isku raaceen doorasho qof iyo cod.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si guud mabda’a doorasho dadweyne la isla qaatay, balse weli laga sii doodayo hannaanka doorashada dadweyne ee ka qabsoomi doonta dalka.
“Inta ay maalmahan noo socdeen wada-hadallada, waxaan aad u soo dhoweynay in badi, haddii aysan dhammaan ahayn, saaxiibada kala duwan ay run ahaantii isla qaateen mabda’a ah in talada dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo shacabka, oo muwaadinka Soomaaliyeed uu xaq u yeesho inuu wax doorto lana doorto. Mabda’aas hadda uma muuqdo mid lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in inta badan dhinacyadu isla qabaan in mabaadi’da dimuqraadiyaddu ay aas-aas u tahay hannaanka xisbiyada badan. “Doorashada aan ka hadlayno waa mid ku dhisnaan doonta hannaanka xisbiyada badan, iyadana waxaad odhan kartaa waa mabaadi’ la isla soo dhoweynayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyey in arrintaas ay barbar socoto sidii loo heli lahaa hannaan maamul oo doorashada dadweynaha lagu maareeyo, kaas oo daah-furan isla markaana ay wada raalli ka yihiin dhinacyadu.
“Waxaa iyadana la isla meel dhigay, oo aad mooddo in la wada oggol yahay, in doorashadaasi ay fursad siiso dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay suurtagal ka tahay inay doorashadu ka dhacdo, iyadoo duruufaha gaarka ah ee jiri karana si wadajir ah loo maareynayo,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in wada-xaajoodyada socda ay rajo weyn ka qabto inay qeyb ka noqdaan dhammaystirka iyo miro-dhalinta hadafka ay dowladda muddada dheer soo waday, kaas oo ra’iisul wasaare ku-xigeenku sheegay inuu dalka ka saarayo fadhiidnimadii ay Soomaaliya ku jirtay tan iyo burburkii.
“Waxaan doorkan rajo weyn ka qabnaa in aan ku guuleysanno hadafka aas-aasiga ah ee ah in isbeddel weyn lagu keeno hannaankii siyaasadeed ee dalka ka jiray, kaas oo ahaa doorasho dadban oo dalka iyo dadkaba dib u dhigtay,” ayuu yiri.
Hoos ka daawo muuqaalka

