26.2 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Caqabad hortaagan in DF ay Mareykanka u gacan geliso Cabdikariim Cabdullahi Ciidle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarigga Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday guul weyn oo ay Mareykanka ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday kiiska musuq-maasuqa lacagihii Covid-19 ee gobolka Minnesota, hase yeeshee waxaa haatan muuqata in arrintu aysan ku dhammaan doonin si fudud.

Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa kiiska Feeding Our Future, oo ahaa fadeexad lagu lunsaday lacag ka badan 250 milyan oo dollar. Lacagtaas ayaa loogu talagalay in lagu quudiyo carruur danyar ah xilligii safmarkii Covid-19, balse dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in lagu leexsaday dano shaqsi, shirkado been-abuur ah iyo lacago la isku siiyay laaluush iyo kickbacks.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa markii la shaaciyay xariggiisa ku tilmaantay guul muujineysa in dadka lagu eedeeyo inay xadaan lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka aysan ka baxsan karin gacanta sharciga, xitaa haddii ay u cararaan dalal fog.

Laakiin ku dhowaad laba toddobaad kadib xariggaas, Cabdikariim weli wuxuu ku jiraa gacanta hay’adaha Soomaaliya. Su’aasha weyn ee haatan taagan ayaa ah: sidee ayaa Mareykanka loogu gudbin karaa, maadaama Soomaaliya iyo Mareykanka aysan lahayn heshiis is-dhaafsi maxaabiis ama eedeysaneyaal ah?

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in qof eedeysane ah ama dembi lagu helay loo gacan gelin karo dal kale keliya haddii uu jiro heshiis caalami ah ama mid laba dal u dhexeeya oo arrintaas oggolaanaya. Taas ayaa ka dhigeysa kiiska Cabdikariim mid sharci ahaan culus, maadaama Washington aysan si toos ah u haysan waddo cad oo ay Muqdisho uga dalban karto in ninka loo soo wareejiyo.

Joseph H. Thompson, oo hore u ahaa dacwad-ooge federaal ah, islamarkaana kiiskan si dhow ula socday, ayaa sheegay in xarigga Cabdikariim uu yahay tallaabadii ugu horreysay oo keliya.

“Xariggu waa tallaabada koowaad, waxaana laga yaabaa inay noqoto dagaal adag in halkan la keeno oo maxkamad la soo taago,” ayuu Thompson u sheegay The New York Times.

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan “caqabad sharci iyo mid diblomaasiyadeed”, kuwaas oo ay sii adkeyn karto xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.

Sida ay qortay The New York Times, Mareykanka ayaa helay goobta uu ku sugnaa Cabdikariim kadib markii la raacay taleefankiisa gacanta, ka hor inta aysan ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya howlgal saqdii dhexe ah ka fulin deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Qoyska Cabdikariim ayaa sheegay in uusan iska caabin markii la xirayay. Faiza Ciidle, oo uu adeer u yahay, ayaa sheegtay inay ku booqatay meel lagu hayo, islamarkaana uu ku jiray qol nadiif ah oo sariir keliya leh. Waxay sheegtay inuu xirnaa funaanad iyo macawis Soomaali ah.

“Wuxuu u muuqday mid aad u murugaysan oo niyad-jabsan,” ayay tiri, iyadoo sheegtay inuu waqtigiisa ku qaadanayay akhrinta Qur’aanka.

Cabdikariim ayaa hore ugu noolaa magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, balse wuxuu Soomaaliya ku laabtay sanadkii 2022. Dacwadaha lagu soo oogay ayaa isla sanadkaas la shaaciyay, balse qaraabo iyo mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa sheegay inuu si caadi ah ugu noolaa Muqdisho.

Kiiska ayaa sidoo kale kiciyay dareen qabiil iyo mid siyaasadeed. Dad ka soo jeeda beeshiisa Cayr, ayaa ka hor yimid in loo gacan geliyo Mareykanka, waxayna ku doodeen in haddii uu jiro dembi lagu eedeynayo lagu maxkamadeeyo Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inuu ka qeyb galo dhageysiyada maxkamad ee Soomaaliya, kadibna la arko in lagu helo dembi iyo in kale,” ayuu yiri Qoordheere Jaamac, oo ah oday dhaqameed sheegay inuu ku booqday xabsiga.

Arrintan ayaa sidoo kale cadaadis saaraysa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo si weyn ugu tiirsan taageerada amni ee Mareykanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Washington ayaa Soomaaliya ka taageerta duqeymo, tababar iyo howlgallo dhinaca amniga ah, halka Muqdisho ay u baahan tahay inay ilaaliso xiriirkaas muhiimka ah.

Dhanka kale, kiiska Feeding Our Future ayaa muddo dheer noqday mowduuc siyaasadeed oo ka dhex taagan Minnesota, oo ay ku nool yihiin Soomaali badan. Inkastoo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ay sheegeen in qof kasta oo dembi gala lala xisaabtamo, haddana waxay cambaareeyeen hadallo ay sheegeen in lagu sumcad-dilayo bulshada oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer fadeexaddan u adeegsaday weerarro ka dhan ah Soomaalida, isagoo mar ku tilmaamay erayo meel ka dhac ah, taas oo dhalisay caro iyo walaac ka dhex jira qurbojoogta Soomaaliyeed.

Hadda, Mareykanka wuxuu doonayaa in Cabdikariim la geeyo maxkamad ku taalla gudaha Mareykanka. Laakiin Soomaaliya waxay wajahaysaa go’aan adag: inay tixgeliso cadaadiska Washington, inay ilaaliso dastuurkeeda, iyo inay ka hortagto caro gudaha ah oo ka dhalata in muwaadin Soomaali ah ama qof ay beeshiisu Soomaali u aragto loo gacan geliyo dal shisheeye.

Samira Gaid, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ah, ayaa sheegtay in Muqdisho aysan si fudud uga hor imaan karin rabitaanka Washington.

“Soomaaliya ma awooddo inay si kasta uga hortagto Mareykanka,” ayay tiri. “Mareykanka waa mid ka mid ah dalalka kugu adkeyn kara haddii aad iska caabiso.”

- Advertisement -

Read more

Local News