27.1 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

DF oo xirtay askar ku xadgudubtay calanka Mareykanka kadib markii..

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa hadashay dhacdo la xiriirta muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayo askar la sheegay inay ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, iyada oo muuqaalka laga arkay askarta oo ku istaagaya calanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in falkaas uu ka hor imaanato anshaxa iyo xifradda ciidanka, waxayna Wasaaraddu sheegtay in uusan ka tarjumeyn aragtida Dowladda Federaalka oo haatan xiriir wanaagsan la leh Mareykanka.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ogaatay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo muujinaya shaqsiyaad xiran dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo ku kacaya fal aan la aqbali karin oo la xiriira calanka Maraykanka. Falkaasi wuxuu ka hor imanayaa qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mana matalayo aragtida Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qiraalka.

Sidoo kale, waxay Wasaaraddu sheegtay in lasoo xiray dadkii ku lugta lahaa falkaas ee baahiyay muuqaalka lagu xumeynayo xiriirka labada dal, waxaana haatan ku socda baaritaanno dheeraad ah, sida lagu sheegay qoraalka.

“Dadka ku lugta leh arrintan waa la xiray, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo duruufihii ku xeernaa dhacdada iyo in la go’aamiyo tallaabooyinka sharci iyo anshax ee ku habboon,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale intaas ku dartay in si weyn ay u qadarinayso iskaashigeeda amni ee muddada dheer kala dhexeeya Maraykanka, isla markaana ay ilaalineyso xiriirka Muqdisho iyo Washington.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa wayn ee taageerada siiya Soomaaliya, iyada oo bayaanka lagu xusay doorkiisa ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab.

“Wadashaqeyntaas ayaa door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS), iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay mar kale caddeynaysaa ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Maraykanka, iyo sidoo kale iskaashiga waara ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News