Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Col.Cali Shucaac), oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumka uu ahaa halgamaa qaran oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muuqata ku lahaa difaaca dalka, adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta qiyamka dowladnimada.
Sidoo kale wuxuu intaas in Marxuum Cali Shucaac uu door wax-ku-ool ah kasoo qaatay marxalado kala duwan oo taariikhda ummadda Soomaaliyeed ku suntan, iska markaana si weyn loogu xasuusan doono.
Waxaa kale oo uu Madaxweynihu Marxuumka Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xamza ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida xanuunka badan ee ku timid Eebbe ha u naxariistee halgamaa Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac), isaga oo xusay halgankiisii dheeraa ee ku aadan mideynta Ummadda Soomaaliyeed.
“Xaaji Cali Shucaac wuxuu ahaa Halgamaa magac iyo taariikh dheer ku dhexleh dhammaan gayiga Soomaaliyeed, isaga oo juhdi iyo dadaal dheer uso galay sidii uu uga dhabeyn lahaa halganka iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed. Marxuumku wuxuu sido kale soo noqday sargaal katirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan dhammaan qoyska, Ehelka, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhaqanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Xaaji Cali Shucaac, Waxaana Alle uga baryayaa in uu siiyo naxariistiisa waasaca ah”.
Allaha u naxariistee Marxuum Cali Shucaac ayaa astaan u ahaa halganka adag ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ay ku waynayd wadaniyadda oo uu mar weliba ku wacyigelin jiray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

