27.3 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan dalka Qatar, halkaas oo ay uga qayb-galayaan aaska Amiirkii hore ee dakaasi, Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani oo shalay geeriyooday.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyay safarka Madaxweynaha ee magaalada Doha iyada oo ujeedadu tahay inuu murugada la qaybsado shacabka iyo dowladda Qatar oo ay u taallo tacsida Amiirkoodii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay dowladda Qatar uga tacsiyeeyay geerida ku timid Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thaani, isaga oo ku amaanay kaalintii uu ka qaatay horumarka Qatar iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, oo ay ka mid thay Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in aaska Amiirkii hore ee Qatar ay ka qayb-galaan madax kala duwan oo isaga kala imaanaya caalamka, kuwaas oo sidoo kale saxiixi doono buugga tacsida ee marxuumka oo muddo dheer soo hoggaamiyay Qatar.

Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani ayaa Qatar hoggaaminayay intii u dhexeysay 1995 illaa 2013. Intii uu talada hayay, wuxuu hormuud ka noqday isbeddello waaweyn oo dalkaas ka hirgalay, kuwaas oo sare u qaaday doorka Qatar ee gobolka iyo caalamkaba. Sannadkii 2013 ayuu si iskiis ah xilka ugu wareejiyay wiilkiisa, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah oo ka bilaabanaysa maanta, iyadoo calanka dalka hoos loo dhigay. Dowladda ayaa sidoo kale wada qaban-qaabada aaska rasmiga ah ee loo sameynayo amiirkii hore.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Doha ay gaaraan madax iyo wufuud ka kala socota dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka qayb-geli doona aaska Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani, isla markaana tacsi u gudbin doona hoggaanka iyo shacabka Qatar.

- Advertisement -

Read more

Local News