Ankara (Caasimada Online) – Shirkadda caalamiga ah ee maraakiibta iyo gaadiidka xamuulka ee MAERSK ayaa ku dhawaaqday inay dhaqan-gelinayso lacag dheeraad ah oo lagu kordhinayo qiimaha xamuulka ka yimaada Turkiga ee loo soo raro Soomaaliya.
Lacagtan oo loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) ayaa lagu dabaqi doonaa konteenarrada la soo raro, iyadoo shirkaddu soo bandhigtay qiimaha cusub ee lagu kordhinayo noocyada kala duwan ee konteenarrada.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay MAERSK soo saartay, konteenarka cabbirkiisu yahay 20 fiit waxaa lagu kordhin doonaa $200, halka konteenarrada cabbirkoodu yahay 40 iyo 45 fiit lagu kordhin doono $300.
Shirkaddu waxay sheegtay in lacagahan dheeraadka ah lagu dabaqi doono dhammaan xamuulka cusub ee ka soo baxaya Turkiga kuna wajahan Soomaaliya.
MAERSK ayaa sidoo kale caddeysay in go’aankan uu si rasmi ah u dhaqan-geli doono 28-ka Luulyo, 2026. Waxay intaas ku dartay in lacagta cusub aysan saameyn doonin dalabaadkii hore loo diiwaangeliyay, balse ay quseyn doonto oo keliya xamuulka la dalbado wixii ka dambeeya taariikhdaas.
Lacagta loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS) waa khidmad dheeraad ah oo ay shirkadaha maraakiibtu inta badan soo rogaan xilliyada ay sare u kacdo baahida adeegyada xamuulka. Ujeeddadeedu waa in lagu daboolo kharashaadka dheeraadka ah ee ka dhasha isbeddellada ku yimaada suuqyada maraakiibta iyo gaadiidka badda.
Khubarada gaadiidka badda ayaa sheegaya in PSS badanaa la soo rogo marka ay yaraadaan maraakiibta xamuulka qaada, dekeduhuna ay la kulmaan ciriiri iyo mashquul badan. Sidoo kale, kororka degdegga ah ee dalabaadka xamuulka, sare u kaca qiimaha shidaalka ama dib u dhaca safarrada ayaa ka mid ah sababaha shirkadaha ku qasba inay kordhiyaan khidmadaha noocan ah.
Inkasta oo MAERSK ay shaacisay lacagaha cusub iyo waqtiga ay dhaqan-gelayaan, haddana shirkaddu si rasmi ah uma aysan sheegin sababta gaarka ah ee ka dambeysa go’aankan.
Si kastaba, waxaa weli jira culaysyo dhanka isu-socodka ganacsiga caalamiga ah, kuwaas oo ay sabab u yihiin isbeddellada ka taagan suuqyada tamarta iyo xiisadaha amni ee ka jira Bariga Dhexe. Arrimahaasi waxay saameyn ku yeesheen qiimaha shidaalka iyo howlaha maraakiibta, inkastoo MAERSK aysan si toos ah ugu xiriirin go’aankeeda xaaladahaas.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecadaha ka soo dhoofsada Turkiga, maadaama qiimaha dheeraadka ah uu kordhin karo kharashaadka soo dejinta. Taasi waxay ugu dambeyn saameyn ku yeelan kartaa qiimaha badeecadaha lagu iibiyo suuqyada gudaha, haddii ganacsatadu u gudbiyaan kharashaadkaas macaamiisha.

