Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay inay isku dayayaan inay isu muujiyaan kuwo go’aamin kara mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.
Saalax ayaa sheegay in go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa uu yahay mid u yaalla shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin cid gaar ah oo awood u leh inay go’aamiso hannaanka doorashooyinka dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku dooday in awoodda go’aaminta doorashada ay leedahay oo keliya shacabka Soomaaliyeed, halka siyaasiyiintaasi aysan lahayn awood ay ku go’aamiyaan hannaanka doorashada.
“Kuwa waxaad arkeysaan waxay leeyihiin doorashada dalka ayaan go’aamineynaa, haddana waxba kuma dhex jiraan,” ayuu yiri Saalax, oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda.
Mudane Saalax ayaa sheegay in qodobka ugu weyn ee la isku hayo uusan ahayn qabashada doorashada lafteeda, balse uu yahay nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso, isagoo xusay in arrintaasi ay tahay doodda dhabta ah ee u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
“Waa in la isweydiiyo nooca doorasho aan rabno; ma tii odayaasha gacanta ugu jirtay mise doorasho ay shacabka si toos ah ugu doortaan qofka ay rabaan? Taasi waa dooda u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka.
Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay aaminsan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay codkooda ku soo doortaan hoggaankooda, halkii lagu sii jiri lahaa nidaamyadii hore ee ku saleysnaa doorasho dadban, isagoo xusay in dowladda ku howlan hirgelinta hannaan doorasho oo shacabka fursad u siinaya inay si toos ah u doortaan madaxda ay doonayaan.
Hadalka Saalax ayaa ku soo aadaya xilli ay weli socdaan doodaha siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay weli ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomeysa.
Si kastaba, arrinta doorashada ayaa weli ah mid ka mid ah qodobbada ugu xasaasisan ee horyaalla siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la sugayo in wada-xaajoodyada socda ay dhinacyadu ku gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

