25.3 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Abiy Ahmed oo dib u soo nooleeyey damacii badda, isaga oo shaaciyey in dalal ay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisu uusan marin toos ah oo uu ku gaaro Badda Cas ku waayin cadaadis uga yimid quwado shisheeye, balse ay sababta ugu weyn ahayd kala qeybsanaan siyaasadeed iyo tabar-darro gudaha ah.

Abiy oo Arbacadii ka hadlayay furitaanka Madasha Wada-hadalka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in khilaafaadka gudaha ay fursad siiyeen dowlado shisheeye oo uu ku eedeeyay inay ka faa’iideysteen kala qeybsanaanta shacabka Itoobiya.

“Intii aan safarkan ku jirnay, tabar-darradeenna gudaha iyo ka faa’iideysigooda awgiis, waxaan ku weynay marinkeennii Badda Cas,” ayuu yiri Abiy.

Waxa uu ku dooday in Itoobiya ay Badda Cas “maamuli jirtay, lahayd, kana faa’iideysanaysay kumannaan sano”, balse ay ugu dambeyn noqotay waxa uu ku tilmaamay “maxbuus juqraafiyeed”.

Abiy ayaa sheegay in xaaladda Itoobiya ee maanta aysan ka dhalan awood shisheeye oo si joogto ah u hor istaagi karta danaha dalkiisa, balse ay ka dhalatay Itoobiyaan ku guuldareystay inay si nabadeed u maareeyaan khilaafaadkooda siyaasadeed.

Hadalladiisa ayaa mar kale muujinaya sida xukuumadda Addis Ababa ay arrinta marin-badeedka uga dhigtay mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee siyaasaddeeda dibadda, inkastoo aysan Itoobiya lahayn xeeb tan iyo markii Eritrea ay xorriyaddeeda qaadatay sannadkii 1993-kii.

Abiy oo digniin u diray dalal

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ma magacaabin dowladaha uu ku eedeeyay inay ka faa’iideystaan khilaafaadka dalkiisa, balse waxa uu sheegay inay jiraan dalal leh “cadaawad qarniyo soo jirtay” oo sugaya xilli ay Itoobiyaanku dhexdooda isku dhacaan.

“Marka aan wax dhiseyno ma muuqdaan. Markii aan dhisnay biyo-xireenka weyn ee Itoobiya na lama aysan joogin. Markii magaalooyinkeennu kobceen na lama aysan joogin,” ayuu yiri Abiy.

“Laakiin marka aan isku dhacno, si lama filaan ah ayay usoo muuqdaan, iyaga oo keenaya rasaas, dhaqaale iyo dacaayad warbaahineed.”

Abiy ayaa dalalkaas ku tilmaamay “gorgorro dul heehaabaya cirka Itoobiya”, kuwaas oo sida uu sheegay sugaya fursad ay ku helaan danaha Itoobiya marka uu dalku kala qeybsamo.

“Annaga ayaa lo’da iibsanayna, annaga ayaana go’aamineyna sida hilibka loo qeybsanayo. Haddii aannaan annagu dooran inaan wixii naga soo hara la wadaagno, gorgor xoog ugama qaadan karo xitaa hal kiilo oo hilib ah miiskeenna,” ayuu yiri.

Hadallada Abiy ayaa loo arki karaa farriin ku socota dalalka deriska la ah Itoobiya, gaar ahaan xilli xiisado la xiriira Badda Cas, biyo-xireenka Nile-ka iyo xaaladda amni ee waqooyiga Itoobiya ay sii kordheen.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilihii lasoo dhaafay mar kale xumaaday, iyadoo labada dowladood ay isku eedeeyeen faragelin iyo diyaar-garow dagaal.

Eritrea waxay hadallada Addis Ababa ee ku saabsan marin-badeedka u aragtaa halis ku wajahan madaxbannaanideeda iyo dekedaheeda, halka Itoobiya ay ku adkeysaneyso inay marin-badeed ku raadineyso hab nabadeed.

Murankii Soomaaliya iyo Itoobiya

Doodda marin-badeedka Itoobiya ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, gaar ahaan kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Abiy Axmed iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaan lahaa inay isticmaasho qeyb ka mid ah xeebaha waqooyiga Soomaaliya, iyadoo maamulka Somaliland uu sheegay in Addis Ababa ay beddelkeeda aqoonsan doonto madaxbannaanida uu sheegto.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka, waxayna sheegtay in maamulka Somaliland uusan awood sharci ah u lahayn inuu Itoobiya ku wareejiyo qeyb ka mid ah dhulka ama badda Soomaaliya.

Murankaas ayaa xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa gaarsiiyay heerkii ugu xumaa muddo sannado ah, kahor inta aysan Turkigu dhexdhexaadin wadahadallo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa bishii December 2024 magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis ay ku xaqiijiyeen ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Heshiiska Ankara wuxuu dhigaya in Itoobiya ay marin-badeed ammaan ah oo joogto ah ku heli karto heshiisyo ganacsi oo ay si toos ah ula gasho dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo marin kasta uu hoos imaanayo awoodda madaxbannaan ee Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tan iyo markaas soo hagaagay, waxaana madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay sii wadeen wadahadallo ku saabsan amniga, ganacsiga iyo xasilloonida gobolka.

Hase yeeshee, hadallada cusub ee Abiy ee ku saabsan in Itoobiya ay “lahayd” Badda Cas iyo digniinta uu u diray quwadaha shisheeye ayaa dib u soo celin kara walaaca dalalka gobolka ee ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee ololaha marin-badeedka Addis Ababa.

Khilaafaadka gudaha Itoobiya

Abiy ayaa hadalladan ka jeediyay shir qaran oo ay kasoo qeyb galeen ku dhowaad 4,000 oo qof oo laga kala keenay gobollada Itoobiya, hay’adaha bulshada iyo qurbajoogta.

Madasha Wada-hadalka Qaran ayaa la filayaa inay socoto muddo bil ah, waxaana looga hadlayaa khilaafaadka siyaasadeed, nidaamka federaalka, amniga, aqoonsiga qowmiyadaha iyo arrimo kale oo muddo dheer kala qeybiyay dalka.

Hase yeeshee, geeddi-socodka ayaa wajahaya dhaleeceyn ku saabsan inuu yahay mid aan loo dhameyn. Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka iyo kooxaha hubeysan ayaa ka maqan, halka maamulka gobolka Tigray uu diiday inuu ka qeyb galo madasha.

Abiy ayaa sheegay in Itoobiya muddo dheer caado ka dhigatay in murannada siyaasadeed lagu bilaabo hadallo kulul, laguna soo gabagabeeyo xoog iyo dagaal.

“Siyaasaddeennu waxay ku bilaabataa ereyo adag, waxayna ku dhammaataa tallaabo xoog ah,” ayuu yiri. “Waa inaan hal mar oo kama dambeys ah bogsiinnaa dhaawacan.”

Waxa uu ka codsaday ka qeybgalayaasha shirka in khilaafaadka gudaha aysan u oggolaan inay dhaawacaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, oo ay ku jirto raadinta marin ay ku gaarto Badda Cas.

“Arrin kasta oo aan gudaha isku khilaafno waan ka wada hadli karnaa, waan ka gorgortami karnaa, waana ku xallin karnaa madalo noocan oo kale ah,” ayuu yiri Abiy.

“Waa inaan ka taxaddarnaa inaan noqonno haramaha taariikhda ee danaha qaranka Itoobiya u gacan geliya quwado shisheeye.”

- Advertisement -

Read more

Local News