26.7 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Xarunta George Bush oo ka digtay tallaabo Mareykanka uu ka damacsan yahay Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dallas (Caasimada Online) — Sarkaal sare oo ka tirsan Machadka George W. Bush ayaa Mareykanka ugu baaqday inuusan si degdeg ah uga bixin taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo ka digtay in tallaabo aan si taxaddar leh loo qorsheyn ay wiiqi karto dadaalladii caalamiga ahaa ee muddada dheer lagu taageerayay dalka.

Elizabeth Kennedy Trudeau, oo ah agaasimaha siyaasadda caalamiga ah ee machadka, ayaa sheegtay in Washington ay tahay inay madaxda Soomaaliya ku cadaadiso inay qaadaan mas’uuliyad dheeraad ah, balse aysan burburin nidaamka taageerada ee ay weli ku tiirsan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Hadalkan ayaa lagu daabacay maqaal ay soo saartay Xarunta Madaxtooyada George W. Bush, xilli maamulka madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo inuu dhammaadka 2026 joojiyo taageerada Mareykanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee saadka iyo adeegyada siiya ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maqaalku ma ahayn bayaan shaqsi ah oo ka soo baxay madaxweynihii hore George W. Bush, balse xilka sare ee Trudeau ay ka hayso machadka ayaa dooddeeda miisaan dheeraad ah siinaya.

Taageero shuruud leh

Trudeau ayaa sheegtay in Mareykanku uusan khasab ku ahayn inuu kala doorto laba waddo oo keliya: inuu Soomaaliya siiyo “lacag aan shuruud lahayn” ama inuu gebi ahaanba isaga tago.

Waxay qirtay in Washington ay ka daashay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, tabar-darrada hay’adaha dowladda iyo gaabiska ku yimid qorshihii ay ciidamada Soomaaliya si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Hase yeeshee, waxay ku doodday in la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha dowladnimadu ay u baahan yihiin qorshe taxaddar leh, halkii taageerada hal mar la joojin lahaa.

Waxay soo jeedisay in Mareykanku sii wado taageerada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, balse uu ku xiro shuruudo cad oo la cabbiri karo.

Shuruudahaas waxaa ka mid noqon kara dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha amniga, isla-xisaabtan dhaqaale iyo in dowladda Soomaaliya ay kordhiso saamiga ay ku bixiso maalgelinta iyo maareynta amniga.

Trudeau waxay sheegtay in taageerada caalamku ay tahay inay xoojiso awoodda Soomaaliya, halkii ay noqon lahayd gargaar aan dhammaad lahayn oo dalka ku sii haya ku-tiirsanaan dibadeed.

Waxay sidoo kale ku adkeysatay in madaxda Soomaaliya looga baahan yahay inay si tartiib ah ula wareegaan kharashaadka, maamulka iyo joogteynta hay’adaha amniga.

Si kastaba, waxay ka digtay in taageerada la joojiyo ka hor inta aysan hay’adaha Soomaaliya awoodin inay kaligood shaqeeyaan, taas oo abuuri karta firaaq amni.

Cadaadiska Washington

Mareykanka ayaa horraantii bishan Midowga Afrika ku wargeliyay inuusan wixii ka dambeeya dhammaadka 2026 taageeri doonin howlgalka Qaramada Midoobay ee adeegyada saadka siiya AUSSOM.

Washington waxay sheegtay inaysan si toos ah uga hor imaan doonin kordhinta muddada howlgalka Midowga Afrika, balse aysan aqbali doonin in la sii wado nidaamka hadda jira ee ay Qaramada Midoobay ku bixiso adeegyada saadka iyo howlgalka.

AUSSOM, oo ka kooban ku dhowaad 12,000 oo askari, ayaa si weyn ugu tiirsan Qaramada Midoobay marka ay timaaddo cunto, biyo, shidaal, gaadiid, adeegyo caafimaad iyo qalab kale oo muhiim ah.

Diblomaasiyiin ayaa ka digay in howlgalka uu wajahayo dhibaato weyn haddii aan la helin hay’ad ama dalal kale oo beddela taageeradaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay ku dhowaad laba bilyan oo dollar ku bixisay howlgalka taageerada Qaramada Midoobay iyo kii ka horreeyay, balse aysan arkin natiijo u dhiganta kharashkaas.

“Ma ahan inaan sii maalgelinno howlgal aan gaarin ujeeddooyinkiisa muhiimka ah,” ayuu yiri afhayeenku.

Mareykanka ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyay inay khilaafaadka siyaasadeed u oggolaadeen inay wiiqaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale adkeeyay iskaashiga siyaasadeed iyo midka amni.

Midowga Afrika ayaa isna marar badan sheegay in kala-qaybsanaanta siyaasadeed ay carqalad ku tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay wadahadal ay yeeshaan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Cabsida firaaq amni

AUSSOM waxay ciidamada Soomaaliya ka taageertaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo miyi ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kooxdu waxay si joogto ah u fulisaa qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weerarro ka dhan ah xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay shacabka ku badan yihiin.

AUSSOM waxay bishii Janaayo 2025 beddeshay howlgalka ATMIS, iyadoo qorshuhu yahay in ciidamada Soomaaliya si tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda amniga.

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa ku celceliyay in howlgalka uu u baahan yahay maalgelin joogto ah oo la isku halleyn karo, iyagoo ka digay in dhaqaale-yaraantu ay halis gelin karto guulihii amni ee la gaaray.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inaysan Soomaaliya ka tegin ka hor inta aysan ciidamadeedu awoodin inay difaacaan deegaannada laga saaro kooxaha hubeysan.

Trudeau waxay sheegtay in goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marinnada ganacsi ee Badda Cas, ay xasilloonida dalka ka dhigeyso arrin ka baxsan Soomaaliya oo keliya.

Waxay xustay in Soomaaliya ay 2023 ku guuleysatay barnaamijkii deyn-cafinta, kaas oo laga tirtiray ku dhowaad 4.5 bilyan oo dollar, kaddib sanado dib-u-habeyn dhaqaale ah.

Waxay arrintaas ku tilmaantay tusaale muujinaya in isbeddel lagu gaari karo marka taageerada caalamiga ah lagu daro dib-u-habeyn gudaha ah.

Hase yeeshee, waxay sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed, dowladnimada tabarta daran iyo dagaalka socda ay weli halis ku yihiin horumarka dalka.

Fariinteeda ugu weyn ayaa ahayd in Washington ay adeegsato awooddeeda dhaqaale iyo diblomaasiyadeed si ay madaxda Soomaaliya uga hesho ballanqaadyo cad, iyadoo isla markaasna ilaalineysa taageerada lagama maarmaanka u ah in dalka uusan gelin xaalad amni oo ka sii daran.

Waxay ku doodday in kala-guur hufan oo si wanaagsan loo maareeyo uu ka kharash yar yahay in caalamku dib ugu soo laabto Soomaaliya marka xaaladdu mar kale faraha ka baxdo.

- Advertisement -

Read more

Local News