26.7 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

La-taliyihii hore ee amniga oo sheegay in Soomaaliya ay burbureyso haddii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in mustaqbalka amniga iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ay ku xiran yihiin awoodda dowladda Soomaaliyeed ay u yeelaneyso inay si madax-bannaan u xaqiijiso amniga dalka, isagoo ka digay in dowladnimo ku tiirsan ciidan shisheeye aysan noqon karin mid waarta.

Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidamada iyo taageerada caalamiga ah ay door muhiim ah ka soo qaateen sugidda amniga Soomaaliya muddo dheer, balse xilligii la gaari lahaa isku-filnaanshaha amniga uu dib uga dhacay sidii la filayay. Wuxuu xusay in dowladda looga baahan yahay qorshe cad oo lagu yareynayo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

“Dowladnimada ma dul saarnaan karto cid ama ajnabi. Waa nasiib-darro in shaqadii loo baahnaa inaan ka maaranno aanan sidii loo baahnaa u qaban,” ayuu yiri Xuseen Macallin, isaga oo muujiyay walaaca uu ka qabo dib u dhaca ku yimid dhismaha awoodaha amniga dalka.

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ayaa sheegay in xaaladda maanta taagan aan lagu eedeyn karin shacabka Soomaaliyeed, balse mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, kuwaas oo laga sugayay inay dhisaan ciidan qaran iyo hay’ado amni oo awood u leh inay si buuxda ula wareegaan sugidda amniga.

Wuxuu tilmaamay in dib u dhaca ku yimid dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kale ee amniga uu sababay in Soomaaliya ay weli u baahato taageero militari iyo mid farsamo oo dibadda ah.

Sida uu sheegay la-taliyihii hore ee amniga, haddii aan la sixin arrintaas, waxaa adkaan doonta in dalka uu gaaro isku-filnaansho dhinaca amniga ah.

Xuseen Macallin ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca joogtada ah ee dhinacyada amniga iyo horumarka uu niyad-jab ku abuuro bulshada, isagoo xusay in shacabka ay ka daaleen caqabadaha soo noqnoqda iyo rajada dib u dhacday ee la xiriirta xasilloonida dalka.

“Shacabka marka ay arkaan daalka, dhaqaale xumada iyo in wax walba dib uga dhacayaan, waxay qaadaan niyad-jab. Waxa keenaya arrintaas waa inaanan hawshii nalaga rabay sidii saxda ahayd u qaban,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka Xuseen Macallin ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo qorshaha Dowladda Federaalka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo ay weli jiraan caqabado la xiriira awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo khatarta Al-Shabaab.

Doodaha la xiriira ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye ayaa muddooyinkii dambe si weyn u taagna, iyadoo Dowladda Federaalka ay ku cel-celisay inay waddo qorshe lagu dhisayo ciidan qaran oo awood u leh inuu si buuxda u sugo amniga dalka.

Si kastaba, khubarada amniga ayaa aaminsan in gaaritaanka yoolkaas uu u baahan yahay maalgelin joogto ah, dib-u-habeyn hay’adeed iyo qorshe muddo dheer ah.

- Advertisement -

Read more

Local News