Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Wasiirkii Gaashaandhigga dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaasi oo tacsi u diray qoyskiisa, ciidamada qalabka sida iyo dhammaan shacabka Jabuuti.
Dowladdu ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa geeridiisa, waxaase la filayaa in goordhow ay faah-faahin ka bixiso geerida wasiirka.
Marxuum Xasan Cumar ayaa xilka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti soo hayay, tan iyo sanadkii 2019, waxaana mar kale loo magacaabay isla xilkaas markii la dhisay xukuumadda cusub ee Jabuuti sanadkan 2026.
Sidoo kale wuxuu door muuqda kasoo qaatay hoggaaminta iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeysay geerida ku timid Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas oo kamid ahaa wasiirrada sida dhow ula shaqeeyay.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo isagu soo saaray qoraalka ayaa ku tilmaamay marxuumka mas’uul qaran oo muddo dheer si hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa, door muuqdana ka qaatay hoggaaminta iyo horumarinta hay’adaha difaaca ee Jabuuti, iyo xoojinta taageerada dalkiisu u fidiyo dadaallada dib-u-soo-celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu tacsi u diray qoyska, ehellada, Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, iyo ciidamada Jamhuuriyadda Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AUSSOM, isagoo Alle uga baryay inuu marxuumka hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa, ehelladiisa iyo guud ahaan shacabka Jabuutina ka siiyo samir iyo iimaan.


