25.6 C
Mogadishu
Thursday, July 16, 2026

Guddoomiye Muungaab: Aniga dhagax-dhigeyga been ma aha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax-dhigay dhismaha Dugsi Hoose iyo Dhexe oo laga hirgelinayo Waaxda Xaaji-Cabdi ee Degmada Gubadley ayaa jawaab kulul siiyay dadka kasoo horjeedo waxqabadkiisa ee inta badan ka dhaliila baraha bulshada ee Internet-ka.

Guddoomiye Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in go’aamadiisa ah ay yihiin kuwa dhaxalgal ah, isla markaana wixii uu dhagax-dhigo uu fuliyo, si ay bulshada uga faa’iideysato.

“Waa ogtihiin aniga dhagax-dhigeyga been ma aha, wixii aan dhagax-dhigana waa fulaan,” ayuu yiri guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Duqa Muqdisho oo sidoo kale ka hadlay iskuulka uu maanta ka dhagax-dhigay Degmada Gubadley ayaa sheegay inuu bixin doono waxbarasho lacag la’aan ah, tallaabadaas oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu xaqiijinayo in dhammaan carruurta caasimaddu helaan waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in maamulkiisa uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta waxbarashada, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo bulsho karaan leh, isla markaana dugsigan cusub uu wax weyn ka tari doono baahida waxbarasho ee carruurta iyo dhallinyarada ku nool Deegaanka Xaaji-Cabdi iyo deegaanada ku xeeran, isagoo xusay in maamulka uu sii laba-jibbaari doono hirgelinta mashaariicda horumarineed ee bulshada taabanaya, gaar ahaan kuwa la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah, si bulshada Caasimaddu u hesho adeegyo tayo leh oo waara.

“Dib-u-dhaca iyo si xun wax-u-raadiska waxaa asal u ah Jahliga. Dadka haddii ay waxbartaan, oo ay ilbaxaan nolosha waxay ku raadsanayaan qaab wanaagsan,” ayuu yiri  Muungaab, isaga oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay waxbarashada.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay, sida ay uga go’an tahay maalgelinta iyo horumarinta adeegyada waxbarashada, isaga oo xusay in dhismaha xarumaha waxbarasho uu saldhig u yahay kobcinta aqoonta, diyaarinta jiil karti leh iyo xaqiijinta horumar waara oo ay bulshada Soomaaliyeed ka wada faa’iidaysato.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin heer gobol iyo degmo, odayaal, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News