Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in maalqabeenkii dambiyada galmada lagu helay Jeffrey Epstein eegeeriyodoay uu xiriir la lahaa heerarka ugu sarreeya ee hay’adaha sirdoonka Mareykanka iyo Israel.
Vance ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu Isniintii siiyay barnaamijka Joe Rogan, isaga oo sheegay in xiriirrada Epstein aysan ku koobneyn siyaasiyiin iyo maalqabeenno, balse ay gaarsiisnaayeen gudaha hay’adaha sirdoonka.
“Wuxuu si cad xiriir ula lahaa heerarka sare, kuwa ugu sarreeya ee sirdoonka Mareykanka,” ayuu Vance yiri. “Wuxuu sidoo kale si cad xiriir ula lahaa heerarka ugu sarreeya ee sirdoonka Israel.”
Markii Rogan uu sheegay in dadka intooda badan ay rumeysan yihiin in Epstein uu xiriir la lahaa Mossad, oo ah hay’adda sirdoonka dibadda ee Israel, Vance ayaa ku jawaabay: “Mossad ama CIA, ama dowlad-hoosaad kale oo ku dhex jira Mareykanka, Israel ama dal kale — ama labadaba.”
Vance, oo isku tilmaamay qof muddo dheer ka shakiyay xaqiiqada ka dambeysa kiiska Epstein, ayaa sheegay in xiriirrada uu Epstein ku lahaa Israel ay si gaar ah ugu xirnaayeen xubno ka tirsan garabka bidixda dhexe ee nidaamka siyaasadeed iyo amni ee dalkaas.
Wuxuu si gaar ah u xusay ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Ehud Barak.
“Ma ahayn qof si weyn ugu xirnaa garabka midigta dhexe ee siyaasadda Israel,” ayuu yiri Vance.
Tuhunka hay’adaha sirdoonka
Muddo dheer waxaa jiray hadal-heyn ku saabsan in Epstein uu xiriir la lahaa ama u shaqeynayay sirdoonnada Israel, Mareykanka ama xitaa Ruushka.
Epstein, oo lagu helay dambiyo galmo, wuxuu xiriir la lahaa dad badan oo maalqabeenno, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad awood leh ah, kuwaas oo qaarkood uu ku martigelin jiray jasiiraddiisa gaarka ah.
Dadka lala xiriiriyay waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, maalqabeenka taageera Israel, Les Wexner, siyaasiga Britain Peter Mandelson iyo Andrew Mountbatten-Windsor, oo ah wiilka boqoraddii Britain, Elizabeth.
Xiriirradaas ballaaran ayaa dhaliyay tuhun ah in Epstein uu sannado badan uruurinayay xog xasaasi ah oo wax u dhimi karta dadka awoodda leh ee uu la macaamilayay.
La-taliye ka tirsan dowladda India, oo horraantii sanadkan la weydiiyay inuu rumeysan yahay in Epstein uu hanti ama wakiil u ahaa Mossad, ayaa ku jawaabay: “Boqolkiiba boqol.”
Si kastaba, ma jirto caddeyn kama dambeys ah oo xaqiijineysa in Epstein uu si rasmi ah ugu shaqeynayay hay’ad sirdoon.
Faylasha Epstein ayaa, hase yeeshee, muujinaya inuu dhaqaale siiyay ururro Israel ah, oo ay ku jiraan Friends of the Israel Defense Forces iyo ururka Jewish National Fund.
Dukumiintiyada ayaa sidoo kale muujinaya xiriir uu la lahaa xubno ka tirsan hay’adaha sirdoonka dibadda ee Israel.
Qoraal ay FBI-da diyaarisay bishii October 2020 ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaha xogta siiya hay’adda uu rumeysnaa in Epstein uu ahaa wakiil ay Mossad adeegsanaysay.
Dokumiintiga ayaa sidoo kale Epstein ku tilmaamay qof loo tababaray basaasnimo, si uu ugu shaqeeyo sirdoonka Israel.
Olole ka dhan ah heshiiska Iran
Wareysiga Joe Rogan, Vance ayaa sidoo kale ka hadlay olole uu sheegay in si qarsoodi ah oo dhaqaale badan lagu bixiyay loogu talagalay in lagu carqaladeeyo wadahadallada Mareykanka iyo Iran.
Vance, oo hadalladiisa loo fasirtay inuu isu diyaarinayo inuu Donald Trump beddelo isla markaana isu sharaxo madaxtinimada Mareykanka doorashada 2028, ayaa sheegay inuu hoggaamiyay wadahadallada Iran.
Wadahadalladaas ayaa horseeday is-afgarad ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore, balse heshiiska ayaa burburay, Mareykanka iyo Iran-na waxay mar kale bilaabeen inay is-weydaarsadaan weerarro.
“Waxaa jira dad saameyn ku leh Mareykanka oo lacag lagu siiyo inay weeraraan heshiiska,” ayuu yiri Vance, isaga oo sheegay in dhaqaalaha qaarkii uu ka yimid Israel.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tixraacay warbixin ay toddobaadkan daabacday majaladda Time, taas oo faahfaahisay olole saameyn siyaasadeed oo Israel ay ku bartilmaameedsatay taageerayaasha dhaqdhaqaaqa MAGA.
Brad Parscale, oo ahaa la-taliyihii dhanka dijitaalka ee ololihii madaxtinimada Donald Trump ee 2020, ayaa la sheegay inuu bishii qaato 1.5 milyan oo dollar si uu ololahaas u maamulo.
Vance ayaa sheegay in warbixinta Time ay magacyadooda xustay dad lacag ka helay shaqsi hore uga tirsanaa ololaha Trump, kaas oo isaguna dhaqaale ka helayay xubno ka tirsan dowladda Israel.
“Dadkaas ayaa si aad ah ii weeraraya,” ayuu yiri.
Vance ayaa intaas ku daray inuu si buuxda u ogyahay in xubno ka tirsan dowladda Israel ay doonayeen inay Mareykanka ka leexiyaan siyaasadda wadahadalka Iran.
“Waxaan ogahay, si aan shaki ku jirin, inay jireen dad ka tirsan dowladda Israel oo isku dayayay inay naga leexiyaan siyaasaddaas, sababtoo ah waxay doonayeen in ololaha militari uu sii socdo,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inay jiraan dad aad u taageersan dagaalka oo ka tirsan nidaamka Mareykanka, kuwaas oo weeraray heshiiska Iran, qaarkoodna isku dayay inay burburiyaan.
Vance ayaa sheegay inuu dadkaas mar walba weydiiyo qorshaha kale ee ay soo jeedinayaan.
‘Dhex-dhexaadiye macquul ah’
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa isku tilmaamay “dhexdhexaadiye macquul ah” oo ku dhex jira doodda xooggan ee Mareykanka ka taagan ee taageerada iyo diidmada Israel.
Wuxuu sheegay in marar badan lagu eedeeyay inuu neceb yahay Yuhuudda, eedeyntaas oo uu ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.
Markii la weydiiyay in Mareykanku geli lahaa dagaalkii ugu dambeeyay ee Iran haddii aysan jirin saameynta Israel, Vance ayaa ku jawaabay: “Haa, waan rumeysanahay.”
Si kastaba, wuxuu sheegay in Donald Trump uu si madax-bannaan u aaminsan yahay in Iran aan loo oggolaan karin inay hesho hub nukliyeer ah.
“Waxaan u maleynayaa in madaxweynaha, isaga oo aan ku xirneyn saameyn kasta oo Israel ka timaadda, uu si xooggan u rumeysan yahay in Iran aysan yeelan karin hub nukliyeer ah, aniguna taas waan ku raacsanahay,” ayuu yiri.
Vance ayaa sidoo kale diiday tuhunka sheegaya in Israel ay Trump ku cadaadineyso faylasha Epstein ama xog kale oo xasaasi ah.
“Fikradda ah in Donald Trump la handadayo waa mid aniga waalli ila ah,” ayuu yiri.

