25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 18, 2026

Shariif: Kama tanaasulayo mowqifkii aan u istaagay 2006 ee kumanaanka qof u dhinteen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay inaan laga tanaasuli karin mabaadii’dii loo istaagay sannadkii 2006 iyo halgankii ay dad badan oo Soomaaliyeed naftooda iyo hantidooda ku waayeen.

Sheekh Shariif, oo ka hadlayay kulan ay xubno ka tirsan beeshiisa ugu muujinayeen taageero siyaasadeed, ayaa sheegay in ilaalinta mabaadi’daas ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.

Wuxuu ku baaqay in dhallinyaradu taageeraan waxa uu ku tilmaamay “mashruuc Soomaaliyeed” oo lagu soo celinayo sharafta iyo karaamada muwaadinka, laguna dhisayo dowlad caddaalad ah oo dadka gaarsiisa adeegyada ay u baahan yihiin.

“Kama tanaasuli karno mabaadii’dii aan u istaagnay 2006 iyo wixii ka dambeeyay, ee wiilal badan ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Ma aha wax laga tanaasuli karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu intaas ku daray in abaalmarinta ugu mudan ee la siin karo dadkii ku dhintay ama ku dhibaatoobay marxaladihii lasoo maray ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dowlad ku dhisan caddaalad, midnimo, sharaf iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.

Sheekh Shariif wuxuu sannadkii 2006 hoggaaminayay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, oo awooddii hoggaamiye-kooxeedyada ka saaray Muqdisho, muddana maamulayay inta badan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Maamulkii Maxkamadaha ayaa burburay dabayaaqadii 2006, kaddib markii ciidamada Itoobiya oo taageerayay dowladdii federaalka ku-meelgaarka ahayd ay gudaha u galeen Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in waayo-aragnimada laga dhaxlay marxaladahaas ay shacabka Soomaaliyeed ku waajibinayso inay ilaaliyaan dowladnimada, kana hortagaan tallaabo kasta oo horseedi karta dib-u-dhac siyaasadeed ama burbur ku yimaada wadajirka bulshada.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan beelweynta Hawiye ee uu kasoo jeedo, inay door muuqda ka qaataan toosinta geeddi-socodka dowlad-dhiska, ilaalinta midnimada dalka iyo xaqiijinta qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo aan ku dhisnayn boob iyo ku-takri-fal awoodeed.

Sheekh Shariif ayaa dhanka kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku lug leedahay boobka hantida dadweynaha, caburinta siyaasiyiinta iyo kala-qaybinta bulshada. Wuxuu sheegay in xaaladdaas aan loo dulqaadan doonin, isla markaana ay mucaaradku ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa nidaam dowladeed oo caddaaladda gaarsiiya dhammaan gobollada dalka.

“Waxaan rabnaa dowlad caddaaladdeedu ay dalka daraf ilaa daraf wada gaarto, qof kasta oo Soomaali ahna uu ka helo xuquuqdiisa, sharaftiisa iyo adeegyada uu mudan yahay,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay qaadanayso go’aanno masiiri ah oo aan lagala tashan dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay go’doominta iyo cadaadiska lagu hayo maamul-goboleedyada ka aragtida duwan siyaasadda Muqdisho, isla markaana khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, muddada xilka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka.

Khilaafkaas ayaa bishii Juun sababay isku dhacyo hubeysan oo Muqdisho ku dhex maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad lala xiriiriyay mucaaradka, iyadoo Sheekh Shariif uu dowladda ku eedeeyay inay weerartay hoygiisa. Dowladda ayaa dhankeeda mucaaradka ku eedeysay abaabulka kooxo hubeysan.

- Advertisement -

Read more

Local News