25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Dab xooggan oo khasaare geystay oo maanta ka kacay suuqa Bakaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Cabdalla Shideeye, kaas oo geystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka billowday gudaha suuqa, isagoo si xowli ah ugu fiday dhowr goobood oo ganacsi, waxaana ku basbeelay hanti kala duwan oo ay lahaayeen ganacsato halkaas ku ganacsanayay.

Qiiq madow iyo holac xooggan ayaa cirka isku shareeray, iyadoo dadweyne iyo ganacsato badan ay isku dayeen inay badbaadiyaan qayb ka mid ah hantidooda, hase yeeshee xawaaraha uu dabku ku fiday ayaa adkeeyay dadaalladaasi.

Ciidamada dab-damiska gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay howl-gallo lagu daminayo dabka laguna xakameynayo inuu ku fido qeybaha kale ee Suuqa Bakaaraha, oo ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga caasimadda.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray qaar ka mid ah waddooyinka ku dhow goobta dabku ka kacay, si ay ugu sahlaan gaadiidka dab-damiska inay gutaan waajibaadkooda, isla markaana loo ilaaliyo badqabka shacabka.

Mid ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay dabka ayaa sheegay in dabku baabi’iyay dhammaan wixii uu ku tiirsanaa, isagoo sheegay in goobtiisa ganacsi ay ahayd ilihii uu ka maareyn jiray nolosha qoyskiisa.

“Hanti way gubatay, goobteyda ganacsiga qoys badan ayaan ka korinayay, wax ii haray ma jiro,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada uu dabku saameeyay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ama hay’adaha kale ee dowladda oo ku saabsan sababta dhalisay dabka, sidoo kale lama shaacin qiime rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha guud ee ka dhashay.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, waxaana marar badan oo hore ka dhacay dabab sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Inta badan dababka noocan oo kale ah ayaa loo aaneynayaa cilado koronto ama sababo kale oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

- Advertisement -

Read more

Local News