25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

100 qof ka badan oo lagu waayay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 80 kalena way ku dhaawacmeen kadib daadad xooggan oo ku dhuftay bariga dalka Afgaanistaan, kuwaas oo geystay khasaare ballaaran oo isugu jira naf iyo hanti.

Mas’uuliyiinta gurmadka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ku dhawaad 100 qof weli la la’yahay, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogeyn inay nool yihiin iyo in kale. Dadka maqan waxaa ku jira Duqa magaalada Parun ee gobolka Nuristan iyo xubno kale oo ka tirsanaa shaqaalaha maamulka.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan kooxaha gurmadka, Duqa magaalada iyo shaqaalihii la socday ayaa ku howlanaa samatabixinta dadka ay daadadku saameeyeen, xilli ay biyuhu si lama filaan ah ugu rogmadeen deegaanno ay dad badani ku noolaayeen.

Daadadka ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaaray guryo, dukaamo, hoteello iyo xarumo dowladeed oo adeegyo kala duwan u hayay bulshada. Mas’uuliyiintu waxay ka cabsi qabaan in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacu uu sii kordho, maadaama weli ay jiraan dad badan oo la la’yahay.

Kooxo gurmad ah iyo dad is xilqaamay ayaa ka wada howl-gallo goobaha ay daadadku sida daran u saameeyeen, hase yeeshee waxaa la sheegay inay wajahayaan caqabado ay ugu weyn tahay qalab la’aan iyo waddooyin ay biyuhu gooyeen.

Howlaha baadi-goobka ayaa weli si xowli ah u socda, iyadoo la baarayo meelaha ay biyuhu fariisteen iyo goobaha ay suuragalka tahay inay ku xaniban yihiin dadka la la’yahay. Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in xaaladda adag ee deegaanka ay gaabis ku keentay dadaallada samatabixinta.

Daadadkan ayaa ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkii u dambeeyey ku dhufta gobolka Nuristan, xilli Afgaanistaan ay sanadihii la soo dhaafay la daalaa-dhaceysay fatahaado iyo masiibooyin dabiici ah oo sii kordhay, kuwaas oo lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.

- Advertisement -

Read more

Local News