24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Maamulka Gobolka Banaadir oo tallaabo qaaday kadib dabkii Suuqa Bakaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo tallaabo deg-deg ah qaaday ayaa maanta ku guuleystay in la xakameeyo, lana damiyo dab saaka ka kacay qaybta Cabdalla Shiddeeye ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay si naf-hurnimo leh uga hawlgaleen shaqaalaha Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Dowladda Hoose.

Mas’uuliyiin uu horkacayo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka ee Hawlaha Guud Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa kormeer ku tegay goobta uu dabku ka kacay, isaga oo u kuurgalay xaaladda guud iyo hawlaha gurmadka ee ay wadeen kooxaha dab-damiska.

Sidoo kale wuxuu waaxda dab-damiska ku ammaanay gudashada waajibaadkooda shaqo, dadaalka joogtada ah iyo sida ay degdegga uga jawaabeen xaaladda gurmadka u baahnayd, taas oo door muhiim ah ka qaadatay xakameynta dabka iyo yareynta khasaaraha ka dhalan karay.

Guddoomiye Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa sidoo kale bogaadiyay hannaanka xirfadeed ee loo maareeyay hawlgalka gurmadka, isagoo tilmaamay in diyaar-garowga, isku-duwidda iyo dadaalka shaqaalaha Waaxda Gurmadka Degdegga ahi ay ka tarjumayaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta badqabka nafta iyo hantida shacabka.

Waxaa kale oo uu uga mahadceliyay maamulka degmada Hawlwadaag, ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo bulshada sida ay ula shaqeeyeen kooxaha gurmadka intii ay socdeen hawlaha lagu xakameynayay dabka.

“Waxaan mahad celinayaa Gudoomiya ha dagmada hool-wadaag iyo geesiyaasha Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo muujiyay geesinimo, naf-hurnimo iyo xirfad sare intii lagu jiray hawlgalkii lagu daminayay dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha. Dadaalkiinnu wuxuu badbaadiyay naf iyo hanti, wuxuuna mar kale caddeeyay sida aad uga go’an tihiin u adeegidda bulshada,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku

“Sidoo kale, waxaan mahad gaar ah u dirayaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom iyo shaqaalaheeda dab-damiska oo si degdeg ah uga qeyb qaatay gurmadka. Iskaashiga adag ee u dhexeeya dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay waa tiirka lagu xaqiijiyo badbaadada shacabka. Alle ha idinka abaalmariyo dadaalkiinna iyo adeeggiinna qiimaha badan”.

- Advertisement -

Read more

Local News