24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Sheekh Cali Wajiis oo su’aal ka keenay mustaqbalka Deni ee Somalia kadib dagaalkii shalay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis), oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, ayaa ka fal-celiyay dagaalkii gelinkii dambe ee shalay dhex-maray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF, ee taabacsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Puntland, kaas oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Laag, oo ku yaalla koonfurta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sheekha oo si wayn ula dhacsan hoggaaminta dalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay su’aal ku saabsan arrinta la xiriirta dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas, isaga oo su’aal ka keenay mustaqbalka Madaxweyne Saciid Deni ee Soomaaliya.

“Waa maxay xukunka dalka uga yaal in Ciidamada XDS meel ka mid ah nin raba inuu Soomaaliya madax u noqdo uu diido inay maraan?” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis

Hadalka Sheekh Cali ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Puntland uu maanta shaaciyay in la soo afjaray hawlgalkii ka socday deegaanka Laag, isla markaana ciidamada ammaanka ay la wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen kooxihii ay la dagaallamayeen.

War-saxaafadeedka Puntland ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Dowladda Federaalka inay ka dambeysay abaabulka maleeshiyaadka ay sheegtay inay ku lug lahaayeen dagaalka, iyadoo ku tilmaantay dowladda dhexe “xukuumad wakhtigeedu dhammaaday.”

“Puntland waxay aaminsan tahay in xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee sharci-darrada ku joogta dalka ay maleeshiyaadkan u abaabushay si ay u waxyeelleeyaan amniga, xasilloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.

Si kastaba, dagaalka ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari ee dhex-maray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF, oo Puntland sheegtay inay taabacsan yihiin Dowladda Federaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan PSF oo ka baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhinaca degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo ku dhow deegaanka Laag.

 

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News