24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Somalia oo shir madaxeed aan caadi ahayn uga qayb-gashay Ghana

Bookmark
Bookmarked

Share

Accra (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Cali Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta magaalada Accra ee dalka Ghana uga qayb galay furitaanka shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ee caafimaadka, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladaha, wasiirrada caafimaadka iyo hoggaamiyeyaasha hay’adaha caafimaadka ee Afrika.

Shirkan oo ah madal heer sare ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta istaraatiijiyadaha caafimaadka ee Afrika, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo ciribtirka cudurka AIDS-ka marka la gaaro sannadka 2030-ka.

Sidoo kale waxaa looga hadlayaa dadaallada dhimmista dhimashada hooyada iyo dhallaanka ee laga hortagi karo, xakamaynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, sare u qaadidda tayada adeegyada caafimaadka, iyo dhisidda nidaamyo caafimaad oo adkaysi u leh dhibaatooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Wasiirka Cali Xaaji Aadan, oo ka hadlay muhiimadda shirkan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u aragto madashan fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay dib-u-habaynta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo loo siman yahay, tayo leh, isla markaana gaara dhammaan gobollada dalka.

Wasiirku sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya ay sannadihii u dambeeyay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha caafimaadka, tayeynta adeegyada hooyada iyo dhallaanka, kordhinta tallaalka carruurta, xoojinta la socodka cudurrada faafa, iyo kobcinta awoodda shaqaalaha caafimaadka.

Cali Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay in guulahaas ay saldhig u yihiin iskaashi dhow oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Dhanka kale waxa uu wasiirku ka qayb geli doona doodaha heer wasiir, kulamada guud iyo kuwa doceedyada, halkaas oo uu ku soo bandhigi doono horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dib-u-dhiska iyo xoojinta nidaamka caafimaadka.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno iyo qorshayaal mideynaya dadaallada dalalka Afrika ee ku wajahan horumarinta caafimaadka, xoojinta maalgashiga adeegyada caafimaadka, iyo xaqiijinta in gobolka uu gaaro yoolalka horumarineed ee la xiriira caafimaadka marka la gaaro sannadka 2030.

- Advertisement -

Read more

Local News