25.7 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Maxay Soomaaliya ka tiri hanjabaadda Xuutiyiinta ee Sacuudiga?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga hadashay hanjabaadda ay Xuutiyiinta u direen Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo horay weerarro uga fulisay gudaha dalka Yemen.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay tallaabooyinka Xuutiyiinta ay ku qaadeen xiritaanka Baabul-Mandab iyo hanjabaadda ay u jeediyeen dowladda Sacuudiga.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa luqad adag ku diiday falalka wax u dhimaya amniga marin biyoodka, xorriyadda isu socodka maraakiibta, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa hanjabaadaha ay kooxda Xuuthiyiintu u jeediyeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo sidoo kale falalka wax u dhimaya amniga marin biyoodka, xorriyadda isu socodka maraakiibta, iyo badqabka ganacsiga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Federaalka ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday in ay ka go’aan tahay ilaalinta madaxbanaanida dowladaha iyo sharciga caalamiga ah oo ah arrin muhiim ah oo mudan in la ixtiraamo.

“Dowladda Soomaaliya waxay mar kale carabka ku adkeeneysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah,” ayaa lasii raaciyay Bayaanka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in xallinta khilaafaadka lagu maro wada-hadal iyo waddooyin diblomaasiyadeed, halkii laga adeegsan lahaa hanjabaado iyo falal hubeysan.

Bayaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira amniga marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo saameynta ay colaadaha ka socda Bariga Dhexe ku yeelan karaan ganacsiga caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News