26.9 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Golaha wasiirada K/Galbeed oo shirkii ugu horreeyay yeeshay – Maxaa kasoo baxay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wasiirrada cusub ee maamulkaas, kaas oo maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ay si buuxda uga soo qayb-galeen xubnaha golaha ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada mudnaanta u leh bulshada iyo sidii loo xaqiijin lahaa in hay’adaha dowladdu si hufan oo wadajir ah ugu adeegaan shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Golaha Wasiirrada ku adkeeyey inay mudnaanta koowaad siiyaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, xoojinta isla xisaabtanka, Qabsoomida Dib uheshiisin dhab ah, hufnaanta maamulka, iyo dardargelinta hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu soo bandhigeen qorshayaasha bilowga ah ee wasaaradahooda, iyagoo ballanqaaday inay si dhow isaga kaashan doonaan fulinta siyaasadaha iyo himilooyinka Dowladda si loo gaaro adeeg hufan oo waxtar u leh shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo shirka lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka howlaha wasaaradaha, kor u qaadista tayada adeegyada dowladda, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee saameynta togan ku leh nolosha bulshada,

Hanti dhowrka guud Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo  kale shirka looga dhagaystay warbixin guud oo ku aadan hantida Dowladda.

Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe ayaa Golaha Wasiirrada ugu baaqay inay si mideysan, daacadnimo iyo masuuliyad leh ugu adeegaan shacabka, si loo xaqiijiyo horumar waara, amni, iyo dowladnimo tayo leh oo ka hanaqaadda guud ahaan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News