Garoowe (Caasimada Online) – Xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ku soo xirtay markabka ganacsiga ee MT ASANA, kaas oo toddobaadkii hore kooxo burcad-badeed Soomaaliyeed ay ka afduubteen xeebaha dalka Yemen.
Wararka laga helayo deegaanka Maraya ee degmada Eyl ayaa sheegaya in xalay kooxda haysata markabka loo geeyay sahay isugu jirta cunto iyo hub, inkastoo aan la ogeyn cidda bixisay sahaydaasi.
Markabka ASANA oo ku socda calanka Tanzania ayaa waxaa saaran 20 shaqaale ah. Shaqaalaha waxaa ku jira siddeed qof oo u dhashay Jarmalka iyo 10 kale oo u dhashay Filibiin, halka labada kale ay kasoo jeedaan dalal kale, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jinsiyadahooda.
Ilo amni ayaa sheegaya in xaaladda shaqaalaha markabka si dhow loola socdo, iyadoo weli aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay kooxaha burcad-badeedda ee ku saabsan dalab rasmi ah oo la xiriira madax-furasho ama shuruudaha lagu sii deynayo markabka iyo shaqaalihiisa.
Markabka ASANA ayaa noqday markabkii afraad ee muddo saddex bilood gudahood ah ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.
Saddex markab oo kale ayaa weli lagu hayaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, halkaas oo kooxaha afduubka geystay ay ku dalbanayaan lacago madax-furasho ah.
Dib u soo laba-kacleynta falalka burcad-badeedda ayaa walaac weyn ku abuurtay shirkadaha maraakiibta iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya amniga badda. Khubarada ayaa sheegaya in kororka weerarradan uu halis gelin karo isu-socodka ganacsiga ee marin-biyoodka Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya.
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa caan ku noqday afduubka maraakiibta intii u dhexeysay sannadihii 2008 illaa 2018, xilli ay boqolaal maraakiib ah weerareen, iyagoo malaayiin dollar ka helay lacago madax-furasho.
Hawlgalladii caalamiga ahaa ee badda ayaa si weyn u yareeyay falalkaasi, hase yeeshee dabayaaqadii sannadkii 2023 waxaa markale soo muuqday dhaq-dhaqaaqyo muujinaya dib u soo noolaanshaha kooxaha burcad-badeedda.
Soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ayaa ku soo beegmaysa xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya, kuwaas oo ay ka mid yihiin colaadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Si kastaba, arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga, iyadoo la filayo in hay’adaha amniga ee Puntland iyo kuwa caalamiga ah ay xoojiyaan dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha burcad-badeedda.

