Riyadh (Caasimada Online) – Nidaamka difaaca cirka ee ay isticmaalaan militariga Giriigga ee Sacuudi Carabiya yaalla ayaa maanta qabtay laba gantaal oo nuuca ballistic-ga ah oo laga soo riday gudaha dalka Yemen.
Gantaallada laga hortegay ayaa ujeedkooda ahaa in lagu bartilmaameedsado warshadaha saliidda ee Yanbu, sida ay ilo-wareedyo amni oo Giriig ah u sheegeen Reuters.
Sidoo kale, saacado ka hor, Ururka Difaaca Madaniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in la baabi’iyay khatarta weerar ka dhici kara gobolka Yanbu.
Digniintan ayaa timid saacado ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku dhawaaqeen inay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah oo ay kaga jawaabayaan weerarrada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu uu ku qaaday goobaha kooxda ee Hodeidah.
Horay waxay Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hesha Iran ugu dhawaaqeen inay xannibaad badeed kusoo rogtay Sacuudi Carabiya, taas oo loo arkay tallaabo sii ballaarin karta dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, isla markaana halis cusub gelinaysa maraakiibta ganacsiga iyo sahayda shidaalka caalamka.
“Waxaan ku dhawaaqeynaa xannibaad badeed oo ka dhan ah cadowga Sacuudiga, annaga oo ku dhaqmeyna mabda’a ah il ka il,” ayaa lagu yiri bayaanka Xuutiyiinta.
Tallaabadan ayaa furtay jiho cusub oo dagaal xilli Mareykanka iyo Iran ay wel is weydaarsanayaan weerarro culus, kuwaas oo ku fiday dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Dhexe.
Bab al-Mandab waa marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana mara qayb muhiim ah oo ka mid ah shidaalka iyo badeecadaha u kala goosha Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.
Haddii marinka si buuxda loo xiro, waxaa hakad geli kara shidaal u dhigma ku dhowaad toddoba boqolkiiba sahayda caalamka, iyadoo inta badan dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee dhinaca Badda Cas ay ku adkaan karto inay gaarto suuqyada caalamka.
Dagaalka ka socda Gacanka ayaa durba hoos u dhigay qulqulka shidaalka caalamka qiyaastii 10 boqolkiiba, taas oo sare u qaadday qiimaha tamarta, gaadiidka iyo badeecadaha kale. Qiimaha shidaalka ayaa markii hore kor u kacay kadib ku dhawaaqista Xuutiyiinta, balse dib ayuu hoos ugu soo laabtay markii suuqyadu rajo ka muujiyeen dadaallada diblomaasiyadeed.

