24.6 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Sheekh Cali Wajiis: Saciid Deni waxaan leeyahay ha ku daba dhiman Imaaraadka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Ugu horreyn Sheekh Cali Wajiis ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Saciid Deni, isaga oo ugu baaqay inuu ka haro Imaaraadka Carabta oo uu weli la leeyahay xiriir xooggan, xilli ay horay dalka uga cayrisay dowladda dhexe.

Sheekha ayaa sheegay in Imaaraadka uu kusoo fashilmay dowladihii iyo ururradii uu horay xiriirka ula yeeshay, isla markaana siyaasad ahaan looga adkaaday dhammaan waddamadii uu ka howlgalay.

“Walaalkey Saciid Deni waxaan leeyahay ha ku daba dhiman Imaaraad oo gabalkiisu dhacay oo Suudaan laga saaray, Liibiya laga saaray, Yemen laga saaray oo Suuriya laga saaray. Soomaaliyana waa laga saaraa,” ayuu wareysiga ku yiri Sheekha.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday dhaq-dhaqaaqa ciidan ee haatan u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, isaga oo xusay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay ka howlgalaan magaalooyinka waa wayn maamulkaas iyo guud ahaan dalka.

“Milatariga Soomaaliya Gaalkacyo ha joogaano ama Garoowe, Boosaaso iyo Xaafuun ha joogaane xaq waa u leeyihiin in dowladda Soomaaliya u tegto hub iyo rasaas siiso, ilaaliso jiritaankooda,” ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Wajiis.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Yaan la weerarin milatariga yaan hub laga qaadanin oo dhibaato la gelin haloo aqoonsado ciidan qaran oo meesha jooga inuu yahay, wada-hadalkana hala galo oo siyaasiyiinta Garoowe ha’isugu tagaano ama Xamar ha isugu yimaadaano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo goor sii horreysay oo maanta ah ay Puntland soo saartay warsaxaafadeed ay ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, sidoo kalena loogu digay maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wado dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu hurinayo colaado, laguna wiiqayo nidaamka dowladnimo ee Puntland, halka ay Galmudug ygu baaqday in aysan garoomadeeda diyaaradaha iyo dhulka ay maamusho u oggolaan in laga soo gudbiyo saanad ciidan, hub iyo maleeshiyaad ay Puntland sheegtay in loo adeegsan karo weerarro ama qalqal-gelin ka dhan ah deegaannadeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60