Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada warqad furan oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u diray madaxda dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, taas oo dhalisay dood iyo dhalleeceyn xooggan.
Warqadda, oo ku taariikheysan 27-ka July 2026, ayaa loo diray madaxda dowladaha, wasiirrada gaashaandhigga iyo taliyeyaasha ciidamada Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar.
Golaha Mustaqbalka ayaa warqadda nuqulkeeda sidoo kale gaarsiiyey guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, dalalka Afrika ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, IGAD, Mareykanka, Britain, Midowga Yurub, Turkiga iyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS.
Cinwaanka warqadda ayaa ahaa: “Heshiis siyaasadeed oo Soomaaliyeed waa inuu saldhig u noqdaa kala-guur kasta oo amni.”
Warqadda ayaa dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM looga codsaday inay taageeradooda Soomaaliya ku xiraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo sidoo kale lagu soo jeediyey dhismaha gole ku-meelgaar ah oo si wadajir ah u kormeera marxaladda dastuurka iyo doorashooyinka.
“Weli ma jiro heshiis siyaasadeed oo lagu maareynayo marxaladda kala-guurka ah ee xigta,” ayaa lagu yiri warqadda, iyadoo lagu dooday in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo aan lahayn hannaan sharci ah oo lagu heshiiyey oo qeexaya cidda dalka maamuleysa iyo qaabka loo maamulayo.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in guddigaasi uu ilaalin lahaa dhexdhexaadnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adaha kale ee dowladda, isla markaana xaqiijin lahaa in kala-guurka loo maareeyo qaab loo dhan yahay, daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.
Soo jeedintaas ayaa dhalisay muran xooggan, gaar ahaan qodobka ku saabsan dhismaha gole ku-meelgaar ah, oo siyaasiyiin ay ku jiraan xubno ka tirsan isbahaysiyada ku mideysan Golaha Mustaqbalka ay ku tilmaameen mid Soomaaliya dib ugu celin karta ku-meelgaarnimadii laga soo gudbay.
Cabdiraxmaan oo sharraxaad bixiyey
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka, ayaa BBC-da u sheegay in ujeeddada warqaddu aysan ahayn in la wiiqo dowladnimada Soomaaliya, balse ay tahay in xal siyaasadeed laga hormariyo doodda ku saabsan mustaqbalka AUSSOM.
“Aragtideenna waxaa shirka looga doodi doonaa mustaqbalka ciidamada AUSSOM ee muddada dheer waddankeenna joogay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Waxa uu sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo dhaqaale yari, isaga oo tilmaamay in Mareykanku muujiyey inuusan sii wadi doonin qaybo ka mid ah taageerada dhaqaale iyo saad ee ciidamada.
“Maaddaama dooddan ay socoto, annaga waxaan aaminsannahay in ciidamada ay shaqo badan qabteen, ayna abuureen masaaxad ay dadka Soomaaliyeed dowlad-dhiskooda uga doodaan, uga heshiiyaan ama ay hore ugu socdaan,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray in aan doodda lagu soo koobi karin mushaarka, saadka iyo joogitaanka ciidamada AUSSOM, balse loo baahan yahay in wax laga qabto khilaafka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
“Dooddeenna waxay ahayd in siyaasadda laga heshiinayo ay asal tahay. Dalkan hadda wuxuu ku jiraa marxalad kala-guur ah, dowladdana sharciyaddeedu way dhammaatay. Marka keliya inaan laga hadlin ciidankaas mushaarkiisa iyo saadkiisa, ee laga hadlo arrinta asalka ah ee siyaasadda,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in Golaha Mustaqbalka uu doonayo in heshiis siyaasadeed uu saldhig u noqdo sii socoshada taageerada caalamiga ah iyo howlgalka Midowga Afrika.
Mucaaradka oo ku kala aragti duwan
Hase yeeshee, warqadda ayaa muujisay kala aragti duwanaansho ka dhex jira kooxaha ku mideysan mucaaradka.
Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, oo ka tirsan Isbahaysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor, kana mid ah isbahaysiyada ku jira Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay inuu la yaabay qoraalka lagu dalbaday gole ku-meelgaar ah.
“Haddii qoraalkaasi sax yahay, waa wax aad looga xumaado inay maanta jiraan dad mustaqbal ka leh hoggaaminta dalka oo doonaya in Soomaaliya dib loogu celiyo ku-meelgaarnimo,” ayuu yiri Islow.
Waxa uu sheegay in xal loo baahan yahay laga gaaro madaxweyne muddo-xileedkiisa dhammaaday iyo hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, balse aan hay’adaha dowladeed lagu beddeli karin gole ay soo xuleen shaqsiyaad aan sharciyad haysan.
“Shaqsi ahaan waxaan qabaa inaan cidna lagu metelin taladan oo kasoo horjeedda danta, dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, oo isna ka tirsan isla isbahaysiga, ayaa si la mid ah uga digay in dib loogu noqdo nidaam ku-meelgaar ah.
“Dowladnimadu ma aha wax si sahlan loo dayici karo,” ayuu yiri Thaabit, isaga oo sheegay in wiiqidda sharciyadda hay’adaha hadda jira iyo dhismaha gole cusub ay Soomaaliya dib u celin karto 15 sano.
Thaabit ayaa ku dooday in xalka ugu dhow uu yahay in lala xaajoodo madaxda muddo-xileedkooda lagu muransan yahay, labada dhinacna ay sameeyaan tanaasul siyaasadeed.
“Khilaafaadka siyaasadeed waa la xallin karaa haddii la hormariyo wada-hadal iyo is-afgarad, maadaama gobonnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya ay ka weyn yihiin khilaafka siyaasadeed ee dhexdeenna ah,” ayuu yiri.
Baaq wada-hadal oo ku socda Xasan
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhinaciisa sheegay in mucaaradku diyaar u yahay wada-hadal iyo tanaasul, isaga oo madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu miiska wada-xaajoodka yimaado.
“Annaga tanaasulka ugu badan ayaan sameynay. Markii wada-hadalka la isugu yimid, doorashada ay dowladdu wadatay ayaan la qaadannay,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in mucaaradku diyaar u yahay in laga wada-hadlo qodobbada dhiman, qaabka loo dhisayo guddiga doorashada iyo habka ay doorashadu u dhacayso, balse uusan aqbalin guddiga iyo sharciga ay dowladda hadda ku dhaqaaqday.
Muranka warqadda ka dhashay ayaa hadda u muuqda mid aan ku koobneyn khilaafka dowladda iyo mucaaradka, balse bannaanka keenay kala duwanaansho ka dhex jira Golaha Mustaqbalka iyo isbahaysiyada xubnaha ka ah, gaar ahaan su’aasha ah in xal siyaasadeed lagu raadiyo gole ku-meelgaar ah ama wada-hadal lala galo madaxda hadda talada haysa.
Warqadda ayaa sidoo kale dhalisay mucaarado xooggan oo mucaaradka uga timid shacabka, oo lama filaan ay ku noqotay in dad doonaya in ay dalka maamulaan ay hadda dalbanayaan in dib loogu noqdo marxalad ku-meel gaar ah.

