Daawo: Mucaaradka oo laga dalbaday inay ka laabtaan warqadii muranka dhalisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan warqaddii muranka dhalisay ee ay mucaaradka u direen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Abwaan Xirsi Nuux oo ka hadlay kulanka ayaa ka dalbaday siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan Golaha Mustaqbalka inay ka laabtaan warqadda ay ku dalbeen in la dhiso Gole ku-meel-gaar ah oo dalka hoggaamiya, inta lagu jiro kala guurka.

Sidoo kale, Abwaanka ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka in aysan dalkooda ka gelin godob siyaasadeed, isla markaana ay fakiraan mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee warka ku gudbiyay warqadda, waxaan idin leenahay ka laabta wixii aad dhahdeen haddii aad rabtaan inaad berri Soomaali xukuntaan,” ayuu yiri Abwaan Xirsi Dhuux.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaaliya dowlad la’aan ma ahaan karto, Soomaaliya Maxmiyad ma galeyso, mana rabto lama gumeysan karo, lamana gumeysan doono”.

Abwaan Xirsi ayaa sidoo kale ugu baaqay mucaaradka inay ka fogaadaan hadallada iyo falalka niyad-jabka ku abuuri kara shacabka Soomaaliyeed iyo taageerayaashooda, maadaama ay hami ka leeyihiin hoggaaminta dalka.

“Waxaan idinka codsaneynaa in aadan niyad-jebin dadka Soomaaliyeed ee horumarka iyo dowladnimada jecel, sidoo kalena aadna niyad-jebina dadka sida qaaska idin taageera,” ayuu mar kale yiri Abwaanka Xirsi Dhuux.

Si kastaba, muranka ka dhashay warqadda ay direen mucaaradka ayaa hadda u muuqda mid aan ku koobneyn khilaafka dowladda iyo mucaaradka, balse bannaanka keenay kala duwanaansho ka dhex jira Golaha Mustaqbalka iyo isbahaysiyada xubnaha ka ah, gaar ahaan su’aasha ah in xal siyaasadeed lagu raadiyo gole ku-meelgaar ah ama wada-hadal lala galo madaxda hadda talada haysa.

Warqadda ayaa sidoo kale dhalisay mucaarado xooggan oo mucaaradka uga timid shacabka, oo lama filaan ay ku noqotay in dad doonaya in ay dalka maamulaan ay hadda dalbanayaan in dib loogu noqdo marxalad ku-meel gaar ah.

- Advertisement -

Read more

Local News