25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wada hadalladii Addis-Ababa oo meel xasaasi ah maraya iyo xubno J/Land ah oo la soo jeediyey in xilka laga qaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Ethiopia, waxaa lagu wadaa caawa ama berri in la soo gabagabeeyo shir muddo seddax cisho oo xiriir ah uga socda magaalada Addis Ababa, wafdi ka kala socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Wariyaha oo la hadlay ilo ku dhow shirka, waxa ay u sheegeen inta badan in qoddobada shirka looga hadlay in lagu heshiiyay, balse ilaa hadda aan xal laga gaarin labo qoddob oo muhiim loo arkay.

Qoddobada ilaa hadda waqtiga badan qaatay ayaa kala ah:

1-In dowladda lagu soo wareejiyo inta dhimman maamulka Jubblanad oo uu ku jirro xubnaha maamulka iyo sida ay loo soo xuli doono.

2-In go’aan kama dambees ah laga gaaro magaca rasmiga ee loo bixinaayo maamulka loo dhisaayo seddaxda gobalk ee kala: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Waxaa jirra warar sheegaya in la soo jeediyay in la saxiixo qoddobada lagu heshiiyay, dibna loo dhigo labadan qoddob ee ilaa hadda la isku mari la’yahay.

Sidoo kale, wafdiga dowladda waxa ay maamulka Axmed Madoobe ka codsadeen in madaxweyne ku-xigeenka Jubbland laga bedeli Cabdilaahi Ismaacil Fartaag loona dhiibo qof kale oo ka soo jeeda beelaha degga seddax gobal.

Tani waxaa lagu macneeyey gor gortan DF ay ku dooneyso inay saameyn ballaaran ku yeelato maamulka Axmed Madoobe, ayada oo rumeysan in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkaba ay isku dhinac yihiin aysan marnaba wasiiro ay ku yeelato saameyn yeelan karin.

Si kastaba, waxaa jirta biseel ka muuqda labada dhinac iyo tanaasul, waxaana laga yabaa in caawa ugu dambeesay uu soo baxo heshiis rasmi ah.

Waxaa shirka ku sugan xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar iyo danjiraha gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Haddii uu dhammaado wadahadalka, waxaa labada wafdi ay u ambabixi doonaan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Ethiopia.

Shirka saxaafadda looma oggola, waxaana inta badan uu yahay mid alaabada uu xiran yahay.

 Wixii warkan ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News