Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys fasax u siisay inuu xabsiga ugu yeeran karo qof kasta oo uu doono uuna la kulmi karo, inta arrintiisa xal laga gaarayo, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.
Sida dad xog ogaal ah ay u xaqiijiyen Caasimada Online, Xasan Daahir waxaa loo ogolaaday in maalin kasta uu la kulmo karo illaa afar qof, ayada oo Sheekha soo qoranayo magcyada dadka uu doonayo, kadibna Dowladda ay u gudbineyso ehelkiisa si ay ugu keenaan.
Arrinta Dowladda ay u ogolaatay, ayaa Xasan Daahir waxa uu kaga faa’ideystay inuu la kumo dad badan toddobaadkii tagay, kuwaasi oo isugu jiray culimaa’udiin caan ah, ganacsato iyo xubno ka mid ah beeshiisa.
Waxa uu dhammaan dadkaasi kala hadlay oo uu ka talo weydiistay sida uu ka yeeli lahaa shuruudaha ay ku xirtay dowladda Somalia iyo waxax xaalkiisu ku dambeyn doono, inkatsa oo ay dowladda u sheegtay in la cafin doono.
Sida qaar ka mid ah dadkii la kulmay Xasan Daahir Aweys ay u sheegeen Caasimada Online, waxa ay dhammaantood kula taliyeen inuu aqbalo shuruudaha dowladda, balse uu hal arrin weli ku taamayo.
Waxa uu doonayaa inuu fuliyo shuruudaha balse ay noqdaan wax u dhaxeeya isaga iyo dowladda Somalia, oo aanu dooneyn inay noqdaan kuwa shaacsan, sida dowladda codsatay oo ah inuu qabto shir jaraa’id.
Wada tashiyada Xasan Daahir uu sameenayo ayaa weli sii socda, waxaana lagu wadaa in toddobaadkan ama kan xiga ay mar kale kullan saddex geesood ah isugu yimaadaan isaga, dowladda Somalia iyo beeshiisa.
Dhinaca kale dowladda Somalia ayaa Xasan Daahir u ogolaatay dad ehelkiisa ah inay ugu adeegaan gudaha xabsiga nabad sugidda, si aanu ula macaamilin ciidamada xabsiga ilaalinaya, waxaana loo ogolaaday illaa 3 qof oo adeegayaal ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]