25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo Video: Arxan darrada Al-Qacida, tani ma diinbaa (Subxaana-allah)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waa muuqaal ay Al-qaacidada dalka Ciraaq xukun deg deg ah ku fulinaya Sadax nin oo gaadiid Tareelo ku safrayay xuduudka Ciraaq iyo Suuriya ka qabtaanteen, kuwaasi oo sheegay iney yihiin Sunniyiin ku dhegan Diintooda.

Muuqaalkaan oo marka aad daawato qalbiga ku danganaya ayaa mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Al-qaacidada Ciraaq uu joojinayaa Afar Tareel oo ku sii jeeday Ciraaq, kuwaasi oo raggii waday ay soo dejinayaan, waxaana la weydiinayaa Diintooda mid walbana wuxuu ku jawaabayaa Islaam, Sunni ah.

Kadib waxaa la weydiinayaa Su’aallo ah Imisa Rakcadood aya la tukadaa Salaada Subax, Sadaxda nin oo ka mid ah darawalada Afarta Tareel ayaa waxay ku jawaabayaan Shan Rakco, oo ay ku adkeysanayaan, intaas kadib loo sheegayaa iney yihiin wax uu ku sheegay Kufaariin, sidoo kale waxay garan weynayaan sida loo Aadaanka Salaada, kadibna meel barxad ah inta la geeyo si naxaariis daro ah uu si safan uu rasaas ugu furayaa, gaadiidkii Tareelada Sadax ka mid ahna ee ay wateen dab ayey qabad siinayaan, halka nin kale uu ka badbaadayo dilkaasi.

Muuqaalkaan ayaa sidoo kale qeybta hore waxaa ku arkeysaa iyagoo gubaya shixnad Xashiis ah oo ay ku soo qabtaan howlgal ay fuliyeen, laakiin waa labo qeyb oo aan is laheyn dilka Sedaxda nin oo aan aheyn in ay garan waayeen Salaada iyo Aadaanka iyo Xashiishka ay gubayaan oo qeyb kale ah oo ka madax bannaan.

Sheekaddan ay sameynayaan Al-qaacida Ciraaq ayaa lagu arkay Al-Qaacida Soomaaliya iyagoo sameynaya oo dad reer Miyi weydiinaya Shanta Salaadood iyo qaabka loo tukada, waana isku mid Al-qaacida meel walba oo ay joogto.

FG: hadaadadan awoodin aragtida dad la tooganayo ha daawan video-gan halkaan hoose ka daawo:

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Xigasho: Warfaafiye.com

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News