Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa fara-gelin ku haya wada hadallada DF iyo Axmed Madoobe uga socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, mas’uul sare ayaa sidaas shaaca ka qaaday.
Afhayeenka Ururuada Bulshada Rayidka Puntland Daahir Cumar Siyaad, ayaa shaaca ka qaaday in Faroole uu dhawr mar culeys ku saaray Axmed Madoobe inuusan saxiixin qodobo lagu heshiiyo oo ka soo bixi lahaa shirka Adis’ababa.
Afhayeenka oo xalay la hadlayey barnaamijka Idaacadda Dalsan ee magaalada ayaa sheegay in Puntland ay si dadban oo daaha gadaashiis ah ay u riixeyso wafdiga Axmed Madoobe.
“Madaxtoyada Garowe shalay iyo Doraad telefoonadeeda Addis-Ababa ayey ku xirnaayeen , Axmed Madoobe marki 30 daqiiqo oo break time ah la siiyaba Faroole ayuu soo wacayaa mana ahan nin xur ah” ayuu yiri Dahir Cumar Siyaad.
Tuhunka ah in hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe oo ku xiranyahay Faroole ayaa tan iyo shirka aad usoo badanayey, ayada oo Cumar Cabdirashid oo reer Puntland ah uu ka mid yahay ergada Axmed Madoobe la socota ee ka qeyb galaya shirka.
Xog ay Caasimada Online heshay goor dhow ayaa sheegeysa in Cumar Cabdirashiid ka baxay wada hadllada carro darteed, markii Axmed Madoobe uu aqbaly in maamulkiisa KMG uu noqdo, ayada oo wararkuna sheegayaan in amarkaas uu lahaa Faroole.
Heshiis dhex mara dowladda iyo Axmed Madoobe ayaa siyaasad ahaan fashil ku ah Puntland, sababtoo ah markii Puntland ay xiriirka u jartay DF waxa ay isku dayeysay inay muujiso muuqaal ah in dowladda Somalia laga soo wada horjeedo, sidaa darteedna heshiis dhaca waxa uu meel cidlo ah soo joojin doonaa Faroole.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]