25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

General Dhego-badan oo muddo kadib hadlay, (Muxuu ka waramay? Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdi(sho Caasimada online) Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga Dalka , General: Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan, ayaa wuxuu beebniyay in Xilligii uu hoganka u ahaa ciidamada Xooga dalka ay Isbaarooyin  u yaalen ciidamaddu.

Warar Mudooyinka la isla dhexmarayay, ayaa sheegayay in Ciidamada ay ka hor is badalka hogaanka ciidamadu ay Jidgooyooyin u yaaleen isla-markaana Dhagabadan, uu wax ka ogaa Isbaaroyinka ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhaga badan, ayaa si cad arintaas uga soo horjeestay isla-markaana beeniyay waxaana uu sheegay in hadiiba ay jiraan Jidgooyooyin u yaala ciidamada dowlada Soomaaliya ay isaga ka dambeeyeen balse intii u hoganka u ahaa ciidamada Xooga dalka aysan Jirin Wax isbaaro ah uu ciidamada u yaalay .

Sidoo kale Generalka , ayaa wuxuu ka hadlay warar sheegaya in uusan wareejin ciidamadii isaga ka amar qaadanayay kadib markii xilkii laga qaaday balse wali ay isaga hoos tagaan iyagoo ku howlgalay magaca ciidamo dowlada ka tirsan..

Wuxuu sheegay in arintaas ay Been abuur tahay isla-markaana uu wareejiyay wax waliba oo hoos imaanayay xilkii uu u hayay dowlada Somaaliya hadii ay ahaan laheyd mid maamul iyo mid ciidan intaba .

Dadka u dhuun duleela arimaha ciidanka iyo Siyaasada ,ayaa sheega in uu jiro wali awoodo ay leeyihiin Saraaskiishii dhawaan xilalka laga qaday, kuwaas oo uu ka mid yahay Cabadi kariin Yuusuf Aadan “Dhagabadan” abaan duulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka.

Doowlada Soomaaliya, ayaa dhawaan xilkaas waxay u magacaawday Cabdi Risaaq Qaliif Cilmi kaas oo lagu badalay Dhagabadan, oo hore isagu xilkaas u hayay.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News