25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

China oo Safaarad ka furanaya Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Sida lagu qoray Wakaalada wararka ee dalka Shiinaha (Xinhua),Magaalada Beejiin  waxaa si wada jir ah ugu kulmay Rai’’sal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji iyo dhigeeda Shiinaha Mr Wang Yi,waxayna Labadani Mas’uul ugu horeyn ka wada hadleen Xiriirka labada dal Soomaaliya iyo shiinaha ka dhaxeeyo.

Waxay sidoo kale isala soo hadal qaadeen inta kulankooda uu soconayay Soomaaliya iyo shiinaha Mudnaanta ay isku kala leeyihiin iyo in si gaar ah shacabka Soomaaliyeed ay ugu baahan yihiin sidii looga taageeri lahaay hormarka iyo Nabada ay ku talaabsaneyso,sida Mar Fowziyo ay sheegtay.

Labadani Mas’uul ayaa shalay gelinkii danbe ku kulmay Magaalada Beijin,Wasiirka arimaha dibada Shiinaha Mar Wan Yi oo ka hadlay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar  u yihiin garab istaaga Soomaaliya,isagoona xawaare ku socosho ku tilmaamay kaalmada kala duwan ay siinayaan Soomaaliya.

Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Soomaaliya ay ka xoojin doonaan Amaanka iyo xasiloonida,isagoona hoosta ka xariiqay Mr Yi inay wax badan ku taageeri doonaan Soomaaliya.

Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa ugu danbeyntii sheegtay in Shiinaha ay yihiin Saaxiib dhow ayna kala shaqeyn doonaan,Tamarta,Beeraha iyo amaanka Qaranka.

Fowziyo ayaa Mudooyinkii ugu danbeeyay Booqosho caalami ah ku kala bixineysay Magaaloyinka Shiinaha.

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News