Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado [27.08.2013] shir uu ugu soo gabagaboobay xubno ka tirsan Ururada Islaax iyo Dam-Jaiid oo uu ka tirsan yahay madaxweynaha Soomaaliya.
Shirkan oo indhaha saxaafadda laga qariyay ayaa seddax cisho ka socday magaalada, waxaana looga hadlay siddii ay midoobi lahaayeen labada garab oo kal horre ka soo go’ay urur weynaha Islaax oo dhawaan kala jabay.
Shirka labada dhinac waxaa u matalayay min 100 xubnood kuwaasoo markii dambe doortay guddoomiyaha ururka iyo guddoomiyaha golaha shuurada.
Sida ay Shabakadda Caasimada Online ay u sheegeen illo ku dhow-dhow shirka waxaa looga dhawaaqay magac kulmiye labada garab balse magacaas si dhab ah looma helin.
Yaa madax u ah guddomiyaha labadan garab?
Sida wararna aanu helnay ay sheegayaan waxaa madax u ah oo guddoomiyaha ururka loo magacaabay Maxamed Xaaji.
Waa qof noocee ah?
Maxamed Xaaji waa qof muddo ah ku jiray qaybaha waxbarashadda ee dalka, wuxuu ka tirsan yahay garabka Dam-Jadiid oo ah Urur Islaami ah balse qunyar socod ah.
Wuxuu goobta ka sheegay in labadan garab ay yihiin kuwii ugu muhiisanaa ee ururka Islaax oo si fiican u soo shaacbaxay sannadkii 1978-dii.
Yaa loo magacaabay guddiga Shuurada?
Waxaa loo magacaabay guddiga shuurada Ismaacil Hurre, wuxuu ka tirsan garabka dhawaan ka soo go’ay ururka Islaax.
Wuxuu isna goobta ka sheegay in ururka cusub uu soo celin doono sharraftii Islaax uu lahaa.
Shirkan in labto waxaa lagu dhawaaqay bishii April ee sannadkan, markii si rasmi ah loo shaaciyay in labada garab ay midoobeen.
ISLAAX Waa urur noocee ah?
Ururka Al-Islaax waxa uu si fiican dalka uga howl billaabay sannadkii 1991-kii xilligaas oo meesha laga saaray dowladdii madaxweyne Siyaad Barre, waxa ay door muhiim ka qaateen horrumarinta dhinaca waxbarashadda dalka.
Ma cadda wax yaabaha keenay in labadan urur ay midoobaan isla markaana ay ku dhawaaqaan hal magac iyo hal hadaf.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

