Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu haatan arrintaas kala shaqeeynayo kooxdiisa dhinaca Amniga Qaranka.
Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa sheegay in aan shaki ku jirin in sunta gaaska ah loo isticmaalay duleeydka magaalada Dimishiq 21kii bishan August.
Madaxweynaha ayaa rumeeysan in fal aad u xun la sameeyay uuna mudan yahay in falkaasi jawaab laga bixiyo, isla-markaana uu qadan doono talabada ku haboon tasoo lagala tashan doono hogamiyayaasha congreeska iyo dalalka ay saaxibada yihiin Mareykanka.
Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]