Kismaayo (Caasimada Online) Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe, ee ka arimiya magaalada Kismaayo iyo sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa maanta waxay howlgal xoogan waxay ka sameeyeen xaafada Guulwade ee magaaladaas.
Waxaa dib usoo laabtay isku socodka gaadiidka iyo waliba isgaarsiinata oo hawada ka maqneyd tan iyo markii uu saaka howlgalkaasi bilaawday , waxaana dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada sheegeen in markii uu waagu u baryay ay in dhohoodu qabteen ciidamo indhaha ay u xiran yihiin oo dul jooga.
Howlgalka, ayaa maanta xoogiisa wuxuu ka dhacay xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo, waxaaana goob jeege ku sugan xaafadaas oo caasimada online u waramay ayaa sheegay in dhamaan dhalinyada maanta xaafadaasi laga qab qabtay u ku heyb yihiin Cornel: Barre Hiiraale , iyadoo aanan la ogeen sabata arintaas ka dambeysay.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya baqdin xoogan oo arintaas ku wajahan waxaana ay kuu sheegaan in howlgalkaas uu ahaa mid qorshe iyo dano gaa ar ahaa laga lahaa inkastoo , qaarna ay si weyn u soo dhaweeyeen howlgalkaas .
Wali kama aysan hadlin maamulka magaalada Kismaayo ee maanta howlgalkaasi ka sameeyay magaalada Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Afmadow