Garoowe (Caasimada online) Waxaa maanta oo Arboco ah Maxkamada darajada 1-aad ee magaalada Garoowe xukun ku sameysay Lacago been abuur ah oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Maamulkaas kadib Waxa la sheegay in la ogaaday baaritaano lagu sameeyey lacagtaasi inay been abuur ahayd iyadoo markii dambe ay maxkamadu amartay ama ay ku xukuntay in la gubo.
K adob baaritaano la sameeyay waxaa la ogaaday in lacagaasi ay yihiin kuwo been abuur ah,waxaana Kuxigeenka xeerka ilaaliyaha guud ee Maxkamada Garowe Maxamed Xareed uu sheegay inay lacagaasi saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha deegaanada Maamulka Puntland.
Waxaana warar ay sheegaan in lacagaasi markoo dambey ay maxkamadu go’aamisay in la gubo sidaasi darteedbna lagu gubay bangiga dhexe ee maamulkaas oo guud ahaan lacagihii gacanta maamulka soo galay ee been abuurka ahaa lagu gubay .
Lacagta maanta maxkamada ay amartay in ugu dambeyn la gubo ayaa cadad ahaan gaareysay 216,715,000 (Labo boqol toban iyo Lix kun todobo boqol iyo shan iyo Toban kun) Shillin Somali, iyadoona laga shaki qabo inay ka timid gobolada dhexe ee dalka.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa cabasho xoogan ay ka jirtay deegaanada gobolada dhexe ee dalka iyadoona haatan ay muuqaneyso inay saameyn xoogan ay lacagaasi been abuurka ah ku yeesheen deegaanada uu ka rimiyo maamulka Puntland.
Caasimada online
Xafiiska Garoowe