Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa halkaasi kulamo kula leh safiirada beesha caalamka ee fadhiya magaaladaaas, oo uu ugu tagayo xarumahooda.
Shalay waxa uu Faroole la kulmay wakiilka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Somalia James P. McAnulty oo uu kala hadlay arrimaha Somalia islamarkaana uu u gudbiyey dacwo ka dhan ah ah dowladda federaalka Somalia.
Faroole ayaa u sheegay James P. McAnulty in dowladda Somalia ay beddeshay dastuurkii sida uu sheegay ay ku heshiisheen Soomaalida, sida adarteedna uu doonayo in wax laga qabto.
McAnulty ayaa Faroole u sheegay in Mareykanka uusan caddeyn karin in Dowladda Somalia ay beddeshay dastuurka.
Waxa kale oo uu Faroole u sheegay inay haddiiba sida uu wax u sheegay ay u jiraan in xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Puntland ay ku jiraan dowladda Somalia, sidaa darteedna, haddii ay jiraan qaladaad ay tahay in ayaga ay ka hadlaan.
“Sababta ay Puntland xildhibaano iyo wasiiro ugu leedahay Dowladda waa inay matalayaan dadkooda, sidaa darteedna haddii ay jiraan qaladaad deegaankooda laga galay ayagaa wakiil ka ah, ayagana wax cabasho ah kama soo yeerin”.
Wakiilka Mareykanka ayaa dhinaca kale u sheegay Faroole, in Mareykanka uu taageersan yahay heshiiskii ay dowladda la gashay maamulka KMG ah ee Jubba, ayana u riyaaqsan yihiin dadaallada ay waddoo dowladda.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]