Addi-Ababa (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa uga baaqay ra’iisul wasaareyaashii hore ee Somalia inay joojiyaan qaska iyo fowdada ka dhanka ah Dowladda Somalia oo ay wadaan, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.
Diblomaasiyiin ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa Caasimada Online u sheegay in Nicholas Kay uu magaaladaas kula kumay Cmar Cabdirashiid, Cali Khaliif Galar, Cabdi Weli Gaas iyo Cali Maxamed Geedi.
Raggaasi ayaa magaalada Addis-Ababa looga yeeray maalintii ay is-afgaradka gaareen dowladda Somalia iyo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.
Sida ilaha diblomaasiyadeed ay u sheegeen Caasimada Online, Kay ayaa u sheegay ra’iisul wasaareyaashii hore in heshiiska DF iyo Jubba uu doonayo inaan la carqaladeyn, islamarkaana laga shaqeeyo horumarka dalka.
Xubnahaasi ayaa ku mideysan isbaheysiga qas-wadayaasha Somalia ee fadhigeedu yahay Nairobi.
Kay ayaa sidoo kale u sheegay ra’iisul wasaareyaashi hore in waxyaabaihii ugu weynaa oo ay dowladda ku dhaliileen ay ahayd arrinta Jubaland, taasna iminka lasoo afjaray.
Kay ayaa sida la sheegay ugu digay madaxdaas hore in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qalalaase hor leh, cid kasta oo la dareemo inay ku leedahayana tallaabo laga qaadi doono.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]