Hargeysa( Caasimada Online) – Dilalka qorsheysan ayaa ah arrin dhibaato xooggan looga qabo magaalada Muqdisho, balse iminka waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa magaalada Hargeysa ee waqooyiga Somalia.
Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland waxay ku dileen alaha u naxariistee Cumar Cismaan Nadiif Baraf oo ka mid ahaa dhalinayarad ku dhaqan magaaladaas .
Saqdii dhexe ee xalay ayaa la sheegay in ruuxan lagu toogtay agagaarka Buundo weyn ee magaalada Hargeysa , iyadoo uu soo gaaray dhaawac halis ahaa kadib markii Risaas ay ka haleeshay qeybta sare ee jirkiisa.
Inkastoo dhaawaca wiilkan loola cararay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa si xaalkiisa caafimaad loo baxnaaniyo , ayaa goob joogayaan Hargeysa ku sugan waxay sheegayaan in dhaawacaas markii dambe uu u geeriyooday .
Ruuxii ka dambeeyay dilka wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amniga Hargeysa , iyadoona su’aalo lagu weydiinayo saldhigga magaalada Hargeysa .
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa kusoo kordhayay dilalka ka dhaca waxaana bishii hore sidan oo kale barmaha magaaladaas lagu dilay wiil dhalinyaro ah.
Ilaa iminka ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalka kusoo badanaya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, walina kama aysan hadlin Saraakiisha amniga ee Maamulkaas.
Caasimada online
Xafiiska Hargeysa