Xildhibaan shaaciyey arrin dhici lahaa haddii uu shirkii Addis fashilmi lahaa

Kismaayo (Caasimada online) Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan waxay heshiis kula soo saxiixatay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethipopia maamulka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kadib Khilaf soo jiitamayay muddo ka badan Sanad ah.

C/qaadir Sandheere, Waa mudane ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, Sidoo kalena wuxuu qeyb ka ahaa gudigii dowlada ee Shirkii Adis-Ababa, wuxuu sheegay uu goob joog ka ahaa waxa  Kismaayo ka soconayay Muddii Sanadka aheyd ee uu khilaafka jiray , isagoo sheegay in arintu ay kaweyntahay Sida Shacabku ay u moodaan Khilaafkana uusan Soomaalida u dhexeen Balse ay jirto faragalin shisheeye.

Wuxuu sheegay inay Jiraan dalal dano gaar ah ka leh Soomaaliya inay ka shaqeynayaan kala qeybonta dadka si ujeedooyinkooda ay u gaaraan inkastoo uusan carababin.

Xildhibaankan ayaa shaaciyay inay iminka xalbuuxa u keeneen Shacaka Gobolada Jubbooyinka Gedo, Qodobadii lagu heshiiyayna ayuu tilmaamay inay yihiin kuwo qoran Shacabkana ay horgeyn doonaan Si ay saxaan waxyaabihii ay soo qaldeen  isgoo sheegay inaysan habka ay heshiiskaas ay u mareen aaney jirin qaab ka haboonaa ay u mari lahaayeen.

Cadaadis Dhanka Beesha caaalamka ah ayuu sheegay inay jirtay , inkastoo uu rajo wanaagsan ka Muujiyay dhaqan galinta qodobadii lagu heshiyaya ayaa hadane wuxuu quus ka muujiyay hadii labada dhinac ay hishiiskaas dhaqan galin waayaan , isagoo sheegay inay taasi fursad siineyso dalalka u hanqal taagaya Soomaaliya kuwaas oo kusoo dul gambanaya Siyaasiyiin Soomaaliyeed Sida uu sheegay.

Bur burinta goobaha Shacabka ee Dhawaan Kismaayo laga sameeyay ayaa wuxuu sheegay inay Maamulka Jubba ka madaxbanaan yihiin , waxaana uu sheegay inay arintaasi wataan ciidamada Kenya ee Kismaayo Ku sugan , waxaase uu shaaciyay in qodabada heshiiska ay qeyb ka aheyd in dib u dhis lagu sameeyo goobihii shacabka laga burburiyay dhawaan.

Heshiiska Adis- Ababa ee labada dhinac ee Maamulka Axmed Madoobe, ee Jubba iyo dowlada Soomaaliya ayuu ku sheegay inuu yahay mid wanaagsan isla-markaana ay dani ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka dega deegaanada iyo degmooyinka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com