Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed oo careysan ayaa maanta xirtay wadada gasha Xabsiga Dhexe ee hormarta Dekedda Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la’aan.
Ciidamada ayaa isku fidiyay waddadaas oo sidoo kale hormarto maxkamada Gobolka Banaadir iyaga oo hakiyay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka.
Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo sanad ka badan uu ka maqanyahay mushaarka, iyana dalbanaya in loo soo fasax.
Saacado badan oo waddada xirneyd kadib waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku baxay cabashada ciidamadaasi, iyada oo kadib waddada ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Haramcad oo haatan dib u fasaxay isku socodka gaadiidka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii cabanayay ee Asluubta lagu sameeyay hub ka dhigis, kadibna la geeyay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, si loo xalliyo cabashadooda.
Ma jiro illaa wax war ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Asluubta oo ku aadan gadoodka ciidamadan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo adag.
Marar badan ayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda sidaan oo kale ay gadood uga sameyeen Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad ka maqan.

