Faroole oo ku fadeexoobay Nairobi iyo Beesha Caalamka oo arrin uu horey u diiday qasab ku ogoleysiisay “XOG”

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu taageeray heshiiska dowladda Somalia iyo kooxda Jubba ku dhex maray magaalada Addis-Ababa, inkasta oo maamulka uu horey u mucaaraday.

Taageerada Puntland ayaa timid sida la sheegay markii Faroole uu magaalada Nairobi kula kulmay Axmed Madoobe, hase yeeshee Caasimada Online waxa ay soo ogaatay arrin taasi ka duwan. Aqri go’aankii ay Puntland ku taageertay heshiiska

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi, beesha caalamka ayaa Faroole ku qasabtay inuu taageero heshiiska, uuna ka laabto mowqifkiisa hore.

Waxaa wararku ay sheegayaan in Faroole loo sheegay in haddii uusan taageerin heshiiska uu ku lumin doono dhaqaale iyo taageero badan oo uu ka helo beesha caalamka

Faroole ayaa maalin kadib markii heshiiska uu dhacay waxa uu si cad ugu sheegay wakaaladda wararka Reuters in heshiiska uu ahaa mid lagu qiyaanay maamulka Jubba, oo DF ay ku adkaatay, waxaana cad in dhowr malamood kadib markii uu Faroole la kulmay Axmed Madoobe uusan mowqifkiisa ku beddeli karin.

Dhinaca ujeedada Faroole uu u jooga magaalada Nairobi oo ah inuu beesha caalamka ka dhaadhiciyo in Puntland ay shirka Belgium uga qeyb gasho si madax banaan ayaan weli lagu guuleysan.

Kullan uu Faroole la qaatay Midowga Yurub, oo arrintaas ku saabsanaa, ayaan wax jawaab ah lagu siin, waxaana laga dhageystay kaliya codsigiisa, kadibna laga tagay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com