28.1 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

DEG DEG AH: Magaalada Kismaayo oo ay caawa ka socdaan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa howgalo ballaaran ay ka socdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

In ka badan 70-qof ayaa lagu qabqabtay howlgaladii caawa ka dhacay Kismaayo, waxaana dadka la qabtay ay u badan yihiin dhallinyaro, sida uu Caasimada Online u sheegay qof goobjooge ah oo diidday magaciisa.

Sida uu caawa u sheegay idaacad ku taalla Kismaayo sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka kumeel gaarka ee Jubba howlgaladan ayaa looga gun lee yahay siddii lagu xoojin lahaa ammaanka, kaddib markii shaley weerarka lala beegsaday Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, waxaa cambaareeyay qarixi shaley, oo ay ku dhinteen 15 qof, isla markaana ay ku dhaawacantay 40 kale QM, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News