Kismaayo (Caasimada Online) – Wiil yar oo ku dhashay magaalada Kismaayo ayaa qoyskiisa ay sheegeen in markii uu dhalanayay uu ku dhashay gabar ahaan, balse 2 sano kadib la arkay inuu wiil yahay oo xubintii gabarnimadii isu badashay xubin rag.
“Maalintii ay dhalatay Idil ayaa loo bixiyay, maantana waa Idiris, ilaah abuurtiis ayeyna ku timid ” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ehelada wiilkan yar oo gabar ahaan ku dhashay.
Wiilkan yar ee markii hore reerkiisa u haysteen gabar ayaa hada la ogaaday iyadoo uu u baahan yahay qaliin dibada ah oo lagu sameeyo maadaama xaniintiisa gudaha ay ku jirto.
Arintan mucjisada ah ayaa waxay ka mid tahay abuurista Eebe loona baahan yahay in lagu shukriyo abuuristiisa, waxayna qoyska wiilkani ay codsadeen kaalmo bini´aadanimo maadaama aysan awoodin dhaqaale wiilkooda lagu qalo.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo