London (Caasimada Online) – Sida aan shalay qornay, khudbad oo Cabdiraxmaan Faroole ka jeediyey shirkii New Deal, ayaanay jirin cid daawatay, illaa uu kaso baxay muuqaalka khudbaddaasi oo uu taleefon ku duubay wiilka Faroole.
TV-yada Soomaalida ayaa dhalleecan kala kulmay maamulka Puntland, oo ku eedeeyey inay xaqireen Faroole,oo ay si ula kac ah uga tageen baahinta khudbaddiisa.
Haddaba TV-ga Somali Channel, ayaa ka jawaabay sababtii loo sii deyn waayey khudbadda Faroole.
Weriye Cabdi Kariim Cali Kaar oo ka mid ah weriyayaashii Somali Channel ee ka qeyb galay shirka New Deal ayaa sheegay in ayagau aanay wax shaqo ah ku lahayn dhacdadaas, oo mas’uuliyadda uu qaadayo ururka Midowga Yurub.
“Annaga waxaan joognay meel banaanka ah, oo shaashad baynu ka daawaneynay khudbadaha oo idil, hase yeeshee markii la gaaray khudbadda Faroole, ayaa la damiyey dhammaan kaamirooyinkii shirka” ayuu yiri weriyaha.
Halkan ka daawo Kaar oo faah faahinaya dhacdadaas
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]