Soomaalida ku nool dalka Holland oo walaac uu lasoo darsay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada online) Somalida ku dhaqan dalka Holland aya xilligan waxay walaac xoogan ka muujinayaa Dib usoo celin ay bilaawday dowlada dalkaas .

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Dalkaas ayaa tilmaamaya in amarka kasoo baxay dowlada Holland uu sameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku nool Holland waxaana ay sheegayaan inay rajo xumo muujinayaan.

Mahdi Ibraahim Geedi, wuxuu ka mid ah Somali ku nooleyd dalka Holland Balse haatan dib  loogu Soo celiyay Soomaaliya , waxaana uu warbaahinta u sheegay inuusan garanayn waxa loo soom masaafuriyay.

“ si qasab ah ayaa liigu soo celiyay dalka Soomaaliya mana garan karo waxa aan galabsaday” ayuu yiri Mahdi Ibraahim Geedi.

Afhayeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland ayaa  sheegay in walaaca iminka Soomaalida ay ka muujinayaan dib u celinta ay ku billaawday dowladda Holan xilli Soomaalida dalkaasi ay u tageen in ay ka helaan Nolol ka wanaagsan tan Somalia ay uga tageen .

Hey’adaha xuquuda aadanaha ayaa dhawaan dowlada dalkaasi waxay ka dalbatay inay joojiso daaabulka ay ku heyso soomaalida sida magan galyo ahaanta ah ugu nool dalkaas iyo Ajaaniibta kale ee sharci la’aanta dalkaas ku jooga.

Inkatoo arintan ay jirto aya ahadan waxaa jira dhalinyaro badan oo u hanqal taagayaa aadista iyo kunoolaanshiyaha dalkaas iyo waliba dalalka kale ee qaaradda yurub.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com