Daawo Video: AXMED Madoobe oo ku niyad jabay shirkii New Deal, Sabab?

Brussels (Caasimada Online) – Hogaamiyaha KMG ah ee Jubba oo ka mid ahaa wafdigii ka qaynbgalay Shirkii Brussels, ayaa sheegay in aanu rajo badan ka qabin lacagaha la sheegay in loo yaboohay Soomaaliya in ay sidii loogu talo galay u fulayaan.

Waxaa uu ku tilmaamay Shirka Brussels mid aan waxba Soo kordhinaynin oo la mid ah Shirarkii horey loogu qaban jiray Caalamka , waxaana ka doorbidayaa ayuu yiri Shirarka Dibadaha loogu qabanayo Soomaalida mid iyadu gudaheeda ay ku qabsato kuna xalisato arrimaheeda.

“Wax waa la yaboohay, laakiin waxa la yaboohay maxay noqonayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe, oo intaas raaciyey.

Si kastaba su’aasha ayaa ah “Muxuu Axmed Madoobe uga qeyb galay shir uu saluugsanaa ama aanu ku qanacsaneyn, mise markii uu shirka ka qeyb galay kadib, ayaa uu arkay wax uusan jecleyn?”.

TV-ga Somali Channel, ayaa barnaamij ka diyaariyey waxyaabihii ka dhacay shirkii New Deal ee Brussels, waxaana barnaamijka qeyb ka ah codadka Madaxweyne Xasan Sheikh, Catherine Ashton, ayada oo wareysiga Axmed Madoobe-na uu ka billaabanayo daqiiqadda toddobaad.

Halkan ka daawo barnaamijka

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com